War Deg Deg Ah: Mid Ka Mid Ahaa Ilaalada Gen. Fartaag Oo Caawa Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Ku Dileen Gudaha Magaalada Kismaayo.

0

Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in caawa gudaha magaalada Kismaayo lagu dilay mid ka mid ahaa ilaalada Gen. Fartaag.

Warkan ayaa waxa uu intaasi ku darayaa in ninkan ilaalada u ahaa Gen. Fartaag ay si bareer ah u dileen dhoowr nin oo ka tirsan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Waxaa illaa hadda inoo suura galin xiliga Kismaayo awgii inaan helno magaca ninkan oo sadexan iyo faah faahin dheeri ah oo ku saabsan ninkan caawa ay ku dileen maleeshiyo beeleedka Raaskambooni gudaha magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale waxaa caawa guryahooda lagala baxay Haween fara badan oo loo taxaabay qaar ka mid ah xabsiyada ay sida gaarka ah u leeyihiin maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Isku soo wada duuboo magaalada Kismaayo ayaa weli foolanaysa, waloow aan la ogeeyn amaba la saadaalin karin waxay dhali doonto.

Waxii ka soo kordha warkan iyo faah faahintiisaba kala soco Wararka Dambe ee Warbaahinta Allgalgaduud Media.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com