Ciidamada Goobweeyn Ma Soo Galayaan Gudaha Kismaayo, Wax Heshiis Ah Oo Ka Dhacay Kismaayo-na Ma Uu Jiro.

0

Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo iyo deegaanka Goobweeyn ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan inaysan jirin wararka sheegaya in Ciidamada Goobweeyn soo galayaan Kismaayo.

Warkan ayaa waxa uu intaasi ku darayaa inaysan wax lagu heshiiyay oo ay ciidamada Goobweeyn ku soo galaan gudaha magaalada Kismaayo.

Waxaa jira warar ay isla dhexmarayaa kooxaha taageera maleeshiyo beeleedka Raaskambooni oo sheegaya in la heshiiyay oo ay ciidamada Goobweeyn gudaha u soo galayaan magaalada Kismaayo, wararkaa ayaa dhamaantood ah kuwo aan waxba ka jirin oo been abuur ah.

Warbaahinta Allgalgaduud Media mar ay xiriir la sameeysay Saraakiil ku kala sugan Kismaayo iyo Goobweyn ayaa waxa ay labada dhinacba u xaqiijiyeen inaysan jirin wax heshiis ah oo dhacay iyo ciidamo gudaha u soo galaya magaalada Kismaayo, islamarkaana weli khilaafki uu taagan yahay.

Dhinaca kale Saraakiishan ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in saaka aroorti la qorsheenayay inay odayaal dhaqan gaaraan deegaanka Goobweyn waxaana si cad isu hortaagay una diiday inay u safraan deegaanka Goobweeyn Saraakiisha iyo Ciidamada Dowladda Kenya.

Isku soo wada duuboo ma jirto cid heshiis ku gaartay magaalada Kismaayo iyo ciidamada Goobweeyn ayaa gudaha u soo galaya magaalada Kismaayo waa warar aan loo meel dayin dano gaar ahna laga leeyahay oo aan marnaba keeni karin inay isu soo dhawaadaan dhinacyada isku haya siyaasada Jubbooyinka (BEENI RAAD MALEH).

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com