Beesha Cabdi Yuusuf oo ka tirsan Beelweynta Xawaadle , waxa ay si rasmi ah u degtaa oo ay kaga nooshahay dalka Soomaaliya

0

Gobolka Jubada dhexe: 1-Degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe , oo ah Magaalada ugu dadka badan gobolkaasi, beesha Cabdi Yuusuf ee Xawaadle waxa ay kaga jirtaa kaalinta Labaad beelaha halkaasi ku nool.

Jilib waxa ay ku taalaa Wadada dheer ee konfureed ee isku xirta Caasimadda Muqdisho iyo Magaalada Kismaayo.

2- Degmada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubada dhexe , ayaa dadka degan waxa ay beesha Cabdi Yuusuf kaga jirtaa kaalinta Seddexaad .

3- Degmada Saakow ee gobolka Jubada dhexe , waa Magaalo dhul beereed ah , dadka ugu badan ee degan waxa ay ka soo jeedaan beesha Cabdi Yuusuf ee Xawaadle.

4- Deegaanka Hoombooy oo u dhow degmada Jilib , Beesha Cabdi Yuusuf ee Xawaadle waxa ay kaga jirtaa kaalinta koowaad dadka deegaankaasi.

Gobolka Jubada hoose

1- Deegaanka Buulo Xaaji oo u dhow Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada hoose ayaa beesha Cabdi Yuusuf ee Xawaadle waxa ay kaga jirtaa kaalinta Labaad dadka deegaanka .

2- Dadka ku heybtirsada beesha Cabdi Yuusuf ee Xawaadle , waxa ay si aad ah ugu badan yihiin tuulooyinkan hoos taga Magaalada Kismaayo ,kuwaasoo kala ah :

Aboorow,Habaaqa,Beer-xaano,ool-oole,Koorweyne,Canjeel iyo Janaay Cabdalla.

Gobolka Gedo

1- Degmada Doolow ee gobolka Gedo , oo ah Magaalo dad badan ay ku nool yihiin ayaa dadka ku nool waxa ay badankooda ku heyb tirsadaan beesha Cabdi Yuusuf ee Xawaadle oo ah kaalinta koowaad ee aglabiyadda dadka degmadaasi .

2- Dadka ka soo jeeda beesha Cabdi Yuusuf ee Xawaadle , waxa ay qeyb ka degaan degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka Gedo ee kala ah :- Buulo –Xaawo ,Baardheere,Farjanaay.Busleey iyo Garas Shabo.

Gobolka Baay

1- Degmada Buurhakaba ee gobolka Baay , dadka ku abtirsada Beesha Cabdi Yuusuf ee Xawaadle waxaa lagu tiriyaa beesha afaraad ee halkaasi degan.

2- Degmada Diinsoor ee gobolka Baay , dadka ka soo jeeda Beesha Cabdi Yuusuf ee Xawaadle ee halkaasi degan waxaa lagu tiriyaa beesha labaad ee deegaanka.

3- Dadka u dhashay beesha Cabdi Yuusuf ee Xawaadle , waxa ay degaan Tuulada Goon-bir ee u dhow Degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

4- Dadka ku heybtirsada beesha Cabdi Yuusuf ee Xawaadle , waxa ay qeyb lixaad leh ka degaan Tuulooyin badan oo hoos taga degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, kuwaasoo kala ah :-Hoqobsooy,Dhabii,Liimaale,Cabdi ibraahim iyo Lug habar .

5- Dadka ku abtirsada beesha Cabdi Yuusuf ee Xawaadle , waxa ay kaalinta koowaad ee aqlabiyadda ay kaga jiraan Deegaanka Xawaal barbaar ee gobolka Baay .

Gobolka Shabeelaha hoose

1- Degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha hoose waa Magaalo uu maro webiga Shabeelle , waxaana lagu tiriyaa degmooyinka ugu wax soo saarka badan dalka Soomaaliya oo ay ku nool yihiin xoolaha la dhaqdo noocyada ugu badan ee Lo’da iyo Ariga , dadka ku nool oo xoogsato iyo beeraley iskugu jira ayaa waxaa Beesha Cabdi Yuusuf ee Xawaadle ay kaga jirtaa kaalinta Labaad dadka halkaasi ku nool.

2- Dadka ku heybtirsada Beesha Cabdi Yuusuf waxa ay si lixaad leh u degan yihiin ,uguna nool yihiin Tuulooyin badan oo hoos –taga Degmada Qoryooley iyo tuulooyin kale oo isla gobolka Shabeelaha hoose ah ,kuwaasoo kala ah :

Jeerow,Maduulow,Tawakal,Maayo-murug,Mushaani ,Waagaale,Jiida Janaale iyo Ugunji.

Gobolka Hiiraan

1- Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan , waa magaalo leh dhul Daaqsin , kuna caan ah wax soosaarka beeraha iyo ka ganacsiga xoolaha nool sida geela iyo ariga , ayaa waxaa beesha Cabdi Yuusuf ee Xawaadle ay ka degan yihiin Xaafad lagu magacaabo Camalow cusub “New Amalow” , waxa ay ka qeyb yihiin qabaa’ilka Magaaladaasi wada dega.

2- Dadka ku heybtirsada beesha Cabdi Yuusuf waxa ay si gaar ah u degaan,uguna badan yihiin Tuulooyin badan oo hoos taga Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan , kuwaasoo kala ah Dhagaxjibis,Camalow,Hello Bacaad,Dhoqor,Baacyar,Doolo Qoyan,Doon-dheere,Garas-abeer,Dhuun-raaxa iyo Qoolow.

WABILLAAHI TOWFIIQ

Qoraalkan Waxaa Na Soo Gaarsiiyay

Maxamed Waasuge
Email.wasuge114@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com