Dhageyso: Horjooge Ibraahim Maxamed Yuusuf” Ciidanka goobweyn jooga waan soo afjaraynaa, waxaana noo sixiixay Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdi Afeey”.

0

Kismaayo (AGGM): Hadalkaan oo aad hoos ka dhagaysan kartaan waxaa uu yahay hanjabaad naf la caari ah oo ka timid mid kamid ah horjoogayaasha Raaskambooni, ahna xigto dhaw ee madaxweynihii hore ee Puntland Dr Faroole Ibraahim Maxamed Yuusuf.

Horjooge beeleedkaan Raaskambooni u adeegaya oo hadda sheegta duqa magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ciidamada qaranka ee duleedka Kismaayo ay tirtiri doonaan.

Ibraahim Maxamed Yuusuf ayaa ku hanjabay in ay si qabiil ahaan ah ay talaabo uga qaadayaan ciidamada uu hoggaanka u hayo Col. Barre Hiiraale.

Wuxuu sheegay in ay weerarayaan cidii ka hortimaada oo aan daacad u ahayn ururka Raaskambooni. Waxaa xusid mudan in Col. Barre Hiiraale iyo beelaha kale ee jubooyinka ay dhaliil u soo jeediyeen Cabdiweli Sheekh Axmed iyo sida uu u wajahay Arimaha Gobolada Jubooyinka.

Maanta ayaa waxaa muuqata in mar haddii laga rabay Barre in la hoos geeyo jabhad qabiil oo yar oo ay taasi cidii ka hor timaada dambiile dagaal.

“Nabad Gelyada Jubooyinku waxaa ay Gacantooda ku jirtaa Shacabka dhulkaas sidoo kalena waxaan guul ka filayay Arimaha hada Socda Marka laga eego in uu Cabdiweli Sheekh Axmed markuu halkaasi Tegay waxaase ii Muuqda Guull Darro” ayuu yiri Col. Barre Hiiraale.

Horjoogahaan oo rayraynaya damaanada uu siiyay Cabdiwali Sheekh Axmed, ayaa xalaalaystay sixiixiisa, isagoo sheegay in ciidanka goobweyn jooga ay soo afjarayaan, wuxuu caddeeyay in arrintaas ay u sixiixeen Cabdiweli Sheekh  iyo Maxamed Cabdi Afeey.

Halkaan ka dhagayso Horjoogaha Kismaayo oo ah nin reer Garoowe ah oo hanjabaya.

Maankeey Aalloos
Kismaayo Jubbada Hoose

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com