Dhageyso: Ugaaska Guud Ee Beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Cumar Oo Ka Hadlay, Xaalada Gobolka Gedo, Xasuuqa Ka Socda Magaalada Kismaayo Iyo Gacan Bidixeynta Dowladda Soomaaliya Ku Heyso Dadka Gobolka Gedo’’.

0

Baled Xaawo (AGGM):Ugaas Maxamed Ugaas Cumar Ugaas Xirsi oo ah Ugaaska Guud ee Beesha Sade ayaa wareeysi dhinacyo badan taabana siiyay warbaahinta dalka gudihiisa isagoo ka hadlay xaaladaha gobalka Gedo iyo Xasuuqa ka socda magaalada Kismaayo, islamarkaana Cambaareeyay gacan bidixeeynta Dowaladda Soomaaliya ku heeyso gobolka Gedo.

Ugaas Maxamed Ugaas Cumar Ugaas Xirsi ayaa waxa uu sheegay tan iyo markii lasoo dhisay dowladdi Dr. Cabdiqaasim Salaad Xasa ilaa maantadan la joogo ee dalka ka ariminayso Dowladda Xasan Sheekh shacabka gobolka Gedo dowlad walbaa oo dalka  u dhalata ay gacan bidixeen qaawan ku sameeyso.

Dhinaca kale Ugaas Cumar ayaa waxaa uu eedeeyn dusha uga tuuray maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe kuwaasoo dadka u dhashay beesha Sade si aan kala sooc laheeyn oo arxan daro ah ugu dila amaba ugu xir xiran gudaha magaalada Kismaayo, waxaana uu Ugaas Maxamed Ugaas Cumar hadalkiisa ku daray in waxa ka dhacaya magalada Kismaayo xisaab ay ka dambeeyso.

Isku soo wada duuboo Ugaas Maxamed Ugaas Cumar Ugaas Xirsi ayaa waxa uu sheegay in gobolka Gedo lagu qaban doono shirweeyne ay yeelanayaan beesha Sade oo leeysaga imaan doono dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba si ay aayahooda uga tashadaan maadaama aysan jirin dhinac walba wax xeer ah oo loo reebtay beesha Sade.

ugaaska

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com