Xaaladda Nololeed Ee Shacabka Magaalada Ceelbuur Oo Laga Deyrinayo.

0

Ceelbuur (AGGM):Guddoomiye ku-xigeenka maamulka dowladda Soomaaliya ee gobolka Galgaduud, Cabdixakiim Cabdullaahi Warsame (Dhagaweyne) ayaa sheegay in dadka ku nool degmada Ceel-buur iyo deegaannada ku dhow-dhow ee laga saaray kooxda Al-Shabaab aysan haysan adeegyada lagama maarmaanka u ah nolosha aadanaha.

Cabdixakiim oo wareysi siiyay Warbaahinta ayaa tilmaamay in dadku aysan haysan Biyo, cunto, caafimaad iyo koronto kadib markii kooxda Shabaab ay horey u qaateen matoorradii biyaha iyo korontada.

Gudoomiye ku-xigeenka ayaa ka codsaday dowladda federalka ah ee Soomaaliya, hay’adaha gargaarka ee caalamiga ah, kuwa waddaniga ah, qurbejoogta iyo ganacsatada Soomaaliyeedba inay usoo gurmadaan dadweynaha kunool deegaannada laga saaray Al-shabaab ee gobolk Galguduud.

Magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa dhawaan laga saaray kooxda Al-Shabaab oo maamuleysay sanadihii ugu dambeeyay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com