Meydadka 3 Ruux Oo Ay Dileen Maleeshiyo Beeleedka Raaskmabooni Oo Lagu Arkay Magaalada Kismaayo.

0

Kismaayo (AGGM): Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in xaafado katirsan magaalada saakay lugu arkay meydadka saddex qof oo rayid ahaa.

Goobjoogeyaal ku sugan gudaha magaalada Kismaayo oo ka gaabsaday magacyadooda xaalado amaan awgood ayaa u sheegay Warbaahinta Allgalgaduud Media in meydadka saddexda qof oo laga helay meelo kala duwan oo gudaha magaalada ah, lana geeyay isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo.

Goobjoogeyaashan ayaa waxa kale oo ay sheegeen in dadka rayidka ah guryahooda lagala baxay dilkooda ay ka dambeeyaan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe.

Dhinaca kale warar dheeri ah ayaa laga helayaa Qaraxi dhawaan lala eegtay ciidamada Amisom ee sector 5 in loo soo qabtay 4 nin oo ka tirsanaa maleeshiyo beleedka Raaskambooni, doraad AMISOM mar ay isku dayday in 4-taas nin loo qaado xarunta AMISOM ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhacday diyaaradi qaadi lahayd in ay rasaas ku rideen maleeshiyo ka tirsan maleeshiyo beeleedka Raskambooni, balse waxaa shalay AMISOM u suuro gashay in 4-taas nin ee ka tirsanaa maleeshiyo beeleedka Raaskambooni loo qaado magaalada Muqdisho.

Isku soo wada duuboo dilalka, dhaca, iyo kufsiga ee dadka shacabka ah lagu hayo ayaa waxa ay si xoowli ah uga socdaan gudaha magaalada Kismaayo, iyadoo weliba ay bar bar socoto is ugaarsiga u dhexeeya Raaskambooni Jadiid iyo Raaskambooni Qadiim oo uu ugu dambeeyay shalay horjoogihi ka tirsanaa maleeshiyada Raaskambooni iyo ilaaladiisa ee lagu dilay qarax loogu rakibay gaarigiisa gudaha magaalada Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com