Qarax Lagu Dilay Mid Kamid Ah Horjoogeyaasha Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni Oo Ka Dhacay Magaalada Kismaayo.

0

Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in qarax goor dhowayd ka dhacay isgoyska Siinaay ee xaafadda Farjanno uu ku dhintay sarkaal ka tirsanaa ciidanka amniga ee maamulka KMG ah ee Jubba.

Sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah oo ka gaabsaday magacooda kuna sugan magaalada Kismaayo ayaa sheegay in Horjoogahan lagu magacaabi jiray Maxamed Furre uuna ku dhintay qarax lala beegsaday gaarigiisa.

Qaraxa waxaa ku dhaawacmay saddex qof oo mid ka mid ah uu ahaa ilaalada Horjooge Maxamed Furre, halka labada kalena ay ahaayeen dad rayid ah.

Dhinaca kale shalay ayay ahayd markii qarax lala beegsaday ciidamada AMISOM, wararka hoosena waxa ay sheegayaan in qaraxyadan lug ay ku leeyihiin maleeshiyo beeleedka Raskambooni garabkooda (Raaskambooni Qadiim) ee xiriirka dhow la leh falaagada argagixisada ah ee Al Shabaab.

Isku soo wada duuboo Lama oga in qaraxan maanta uu ahaa mid lagu xiray gaariga iyo inuu ka dhashay miino dhulka lagu aasay, Mana jirto cid ka tirsan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni oo ka hadashay qaraxan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com