Xarunta AMISOM ee Xalane oo Xalay Madaafiic Lagu Weeraray

0

Muqdisho(AGGM):Madaafiic Xoogan ayaa Xalay lagu Weeraray Xarunta Ciidamada AMISOM ee Magaalada Muqdsiho.

Ilaa iyo in kabadan 5 Hoobiye ayaa ku dhacay Xarunta Ciidamada Midowga Afrika ee Xalane,waxaana Madaafiicda ay ku dhaceen Gudaha Xerada iyo Banaanka Xerada  intaba.

Madaafiicda ayaa waxaa laga soo Tuuray Dhanka degmada Dharkiinleey,waxaana la Rumeysan yahay in ay ka Danbeyeen Al-shabaab.

Khasaaraha ka dhashay Weerarka Hoobiyaasha ah ayaan la sheegan ee Soo gaaray Ciidamada AMISOM.

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com