Nicholas Key “Aad baan uga walaacsanahay xiisada u dhaxaysa Somaliland iyo Puntland”

0

Muqdisho (AGGM): U qaybsanaha Q,M arrimaha Soomaaliya danjire Nicklos Kay oo ka hadlayay shir ka dhacay magaalada Addis-Ababa ee xarunta dalka Ethiopia loogana hadlayay arrimo ay ka mid yihiin amaanka Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in xafiiska uu ka walaacsan yahay xaaladda ka dhex taagan maamulada Soomaaliland iyo Puntland ee ku saabsan maamulida gobolada Sool iyo Sanaag.

Nillos Kay waxaa uu xusay inuu wal wal badan ka qabo isku dhac military oo dhex mara labada maamul goboleed waxaana uu intaa ku daray inuu ugu baaqayo madaxda Somaliland iyo Puntland inay xaaladda wada hadal ku dhameeyaan.

“Dhanka gobolada waqooyi ee Soomaaliya waxaan aad uga walaacsanahay xiisadaha ciidan ee ka dhex taagan Somaliland iyo Puntland ee ku saabsan cidda maamulaysa gobolada Sool iyo Sanaag waxaan ugu baaqayaa madaxda labada maamul inay xaaladda ku dhameeyaan si degen oo wada hadal ugu horeeyo” ayuu yiri  Nicklos Kay

Sidoo kale war laga soo saaray xafiiska Nicklos Kay ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in madaxda Somaliland iyo Puntland loogu baaqay inay qaataan tilaabo kasta oo dagaal looga baaqsan karo.

Xiisada u dhaxaysa maamulada Somaliland iyo Puntland oo soo bilaabatay markii M/weynaha Soomaaliland Axmed Max’ud Siilaanyo uu booqday degmooyin ay mamulkiisa ku haysto Puntland waxaana hadda inta badan degaanadaas laga dareemayaa xiisad ciidan oo labada maamul u dhaxaysa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com