Maamulka Somaliland Oo Baaq Nabadeed U Diray Maamulka Puntland.

0

Hargeysa (AGGM): Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa baaq Nabadeed u diray Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdi Wali Gaas kadib Shir Saxaafadeed uu ku qabtay Xarunta Baarlamanka Hargaysa.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland in Puntland ilaaliso Nabad galyada Labada Mamaul ee wadaaga Xuduuda iyo wada deganaasho.

Saleebaan ayaa sheegay in Somaliland iyo Puntland yahiin laba Maamul oo daris ah hayeeshee waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la kala nabad galo maadama sida uu sheegay Nabada tahay tan horumarka lagu gaaro.

Gudoomiyaha ayaa xusay in Somaliland aysan wax xad gudub ah ku samayn dhulka ay maamusho Puntland sida daraadeed ayuu sheegay in loo baahan yahay in la is xaq dhooro oo aan la isku soo xad gudbin.

Saleebaan ayaa xili uu ka hadlayay socdaalkii muranka dhaliyay ee Madaxweyne Siinlaanyo ku tagay Laas-qoray ayuu sheegay in uu ahaa mid Madaxweyne Siinlaanyo ugu kuur galayay dhulka ay maamusho Somaliland.

Waxa uu xusay Gudoomiyaha Golaha Guurtida in degmada Laas-qoray ka mid tahay goobaha ay maamusho Somaliland waxa uuna Puntland ugu baaqay in gardarada joojiyaan.

Ugu danbayntii ayuu sheegay Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland in Somaliland dagaal diyaar u ahayn oo ka shaqaynayso Nabdglayada iyo wada noolaashada labada shacab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com