War Deg Deg Ah: Ciidamada Kenya Oo Wareejiyay Inta Badan Fariisimahoodi Magaalada Kismaayo.

0

Kismaayo (AGGM): Wararka naga soo gaaraya saaka magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada dowladda Kenya ay ka xir xirteen qalabkoodi magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in ciidamada Kenya ay dhamaan lagala wareegay fariisimihi ay ku lahaayeen magaalada Kismaayo marka laga reebo xarunta Jaamacada oo kaliya oo ay hadda ku hareen.

Ciidamada Kenya ayaa waxaa  kamid goobaha lagala wareegay Dekeda, Garoonka Diyaaradaha iyo dhamaan fariisimihi kale ee ay ku lahaayeen gudaha magaalada Kismaayo.

Dhamaan fariisimaha ay faarujiyeen ciidamada Kenya ayaa waxa la wareegay ciidamada AMISOM ee ka socda dalalka Siiraaliyoon iyo Brundi.

Dhinaca kale maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa durbaba waxa ay bilaabeen inay xir xirtaan qalabkooda iyada oo aan la garaneen halka ay usocdaan.

Isku soo wada duuboo bixitaanka ciidamada Kenya ayaa waxa ay noqonaysaa guul usoo hoyatay dhamaan Ummada Soomaaliyeed gaar ahaana dadka Jubbooyinka maadaama ay ciidamada Kenya ay ahaayeen ciidamo dano gaar ah ujoogay deeganaadaas aana dhex dhexaad ka aheen xaalada siyaasadeed ee gobolada Jubbooyinka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com