War Deg Deg Ah: Ugaaska Beesha Cawramaleh Oo Lagu Dilay Kismaayo

0

Kismaayo(AGGM):Maleeshiyada Raas Kambooni, ayaa Gelinkii danbe ee Maanta ku toogtay Gudaha Magaalada Kismaayo, Allah ha u naxariistee Ugaas Xuseen Haafoow oo kamid ahaa Golaha Dhaqanka Gobolada Jubbooyinka.

Allah ha u naxariistee Ugaas Xuseen Haafoow ayaa waxa ay Maleeshiyada Raas kambooni ku toogteen Xaafadda Calanleey, gaar ahaan Halka loo qayaano Dalcadda, waxaana dilkiisa uu noqonayaa kii ugu danbeeyay Dilal isdaba joog ah oo Kismaayo ka dhacay.

Ugaas Xuseen Haafoow waxa uu ahaa Ugaaskii Beesha CawramaleH, oo ka mid ah Beelaha degga Gobolada Jubbooyinka, lama oga Sababta ay u bartilmaameedsadeen Maleeshiyada Raas Kambooni ee ka amar qaata Axmed Madoobe.

Meydka Ugaaska, ayaa mudo yaallay halkii lagu dilay, iyadoo dadkii Goobta ku sugnaa ay Rasaas ku fureen Maleeshiyada Raaskambooni si aan  loo qaadin.

isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com

 

Allah ha u naxariistee Ugaas Xuseen Haafoow ayaa waxa ay Maleeshiyada Raas kambooni ku toogteen Xaafadda Calanleey, gaar ahaan Halka loo qayaano Dalcadda, waxaana dilkiisa uu noqonayaa kii ugu danbeeyay Dilal isdaba joog ah oo Kismaayo ka dhacay.

Ugaas Xuseen Haafoow waxa uu ahaa Ugaaskii Beesha Cawramale, oo ka mid ah Beelaha degga Gobolada Jubbooyinka, lama oga Sababta ay u bartilmaameedsadeen Maleeshiyada Raas Kambooni ee ka amar qaata Axmed Madoobe.

Meydka Ugaaska, ayaa mudo yaallay halkii lagu dilay, iyadoo dadkii Goobta ku sugnaa ay Raas ku fureen Maleeshiyada Raas Kambiini si aad loo qaadin.