Qilaaf Xoogan Oo Salka Ku Hayaha Dastuurka Dalka Kenya Ayaa Waxaa Ka Hadlay Madaxada Dalka.

0

Nairobi (AGGM): Madaxweynaha dalka Kenya mr Uhuru Kenyatta,iyo hogamiyaha xisbiga ODM mr raila odinga ayaa xildhibaanada dalkasi Kenya uga baaqay in ay wax ka badalaan shuruucda qaarkood ku qoran dastuurka dalka kasoo afar sano ka hor la meel dhigay .

Madaxweynaha dalka ayaa ku dhawaaqay in aysan gaarin xiligii badal lagu samayn lahaa sharuucdasi.

Asaga oo kula taliyey hogaamiyeyaasha xilalka kala haya in ay xooga saaraan hormarka  dalka intii ay ku mashquuli lahaayeen dastuurka shuruucdiisa.

Gudiga u qaabilsan dhanka shuruucda dastuurka ayaa ku hanweyn in ay wax ka badalaan sharuucda qarkooda kuwaas oo  ku jira dastuurka taaso ay ka so horjeedaan xildhibaanada baarlamaanka qarkood,  xildhibanka  bartahama mwingi,joe mutambu, asaga oo sheegay in la dhimaayo tirada xildhibaanada  iyo madaxda qaarkood kuwaas oo lagu soo koobi doono  Countiyada 10 halki laga doonayo in laga dhigo xildhibaanada  141.

Xildhibanka Ainamoi,Benjamin lang’at, ayaa afhayeenka  Barlamaanka u soo shaacbixiyey  in meesha laga bixiyo wakiilada haweenka iyo dhamaan kuwa lasoo xulay eek u jira aqalka sanadka, Barlamaanka iyo baarlamaanada Countiya dalka.

Waxaa ayadana sii jirta dadaalo  ay soo bandhigeen gudiga qorshaynta lacagaha ee Baarlamaanka taasoo ah 80 milyan oo loo qoondeeyey badalitaanka shuruucda qarkooda kuwas oo ku jira dastuurka dalka.

Isha ku Hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com