Top News: Ciidamada Huwanta Oo Maanta U Jiheystay Magaalada Ceel-buur.

0

Dhuusamareeb (AGGM): Ciidamada DF iyo kuwa AMISOM ee ku sugan magaalada Dhuusa-mareeb ee Gobolka Galgaduud, ayaa lagu soo waramayaa ineey saakay u jiheysteen dhanka Degmada Ceel-buur, halkaasoo ay maamulaan Al-shabaab.

Ciidamada Itoobiya ee ka mid noqday howl galka AMISOM ayaa tan iyo xalay waday diyaar garow iyo dhaq dhaqaaq ciidan, kadib markii maalmihii la soo dhaafay ku sugnaayeen duleedka Dhuusa Mareeb.

Ciidamadan is garabsanaya oo saacado kahor ka dhaqaaqay Dhuusa-mareeb, ayaa lagu soo waramayaa ineey yihiin ciidamo aad u xoogan aadna u qalabeysan.

Qorshaha ciidamadan, ayaa ah sidii ay saacadaha soo socda Al-shabaab uga saari lahaayeen deegaanka Ceel-buur, oo xudun u ah shabaabka ku sugan Galgaduud.

Dhanka kale Ciidamada DF iyo kuwa AMISOM ee saakay ku dhaqaaqay dhanka Qoryooleey, ayaa lagu soo waramayaa ineey wax aad u yar u jiraan magaalada, iyadoo dhanka kale shabaab ay faarujiyeen magaalada.
Wixii kusoo kordha dhaq dhaqaaqyadan ciidan kala soco Allgalgaduud Media.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com