Deg Deg:- AMISOM ku Dhawaaqday in ay La Wareegtay Degmada Qoryooleey

0

Qoryooley(AGGM):War Goor dhaw AMISOM ay ku baahisay Barta ay Facebooga ku leedahay ayaa waxaa ay ku sheegatay in Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda ay la wareegeen Degmada Qoryooleey.

Degmada Qoryoolee ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka u jirta 120KM Dhanka Galbeed.

Waxaana in Mudo ah Maamuli jiray Maleeshiyada Al-shabaab Al-Qaa’ida.

AMISOM ayaa sheegtay in Degmada Qoryooleey ay noqoneyso Magaaladii Sideedaad oo Laga qabsado Maleeshiyada Al-shabaab.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa Magaalada ka galay ilaa Seddex Jeho,ayadoona Al-shabaab ay iskaga Carareen.

2 3 4 5 6 8 9 10 12 13

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmai.com