Daawo:Dr. Abdirahman D. Beileh oo bogaadiyay mashaariicda dowladda Turkiga ay ka fulisay Soomaaliya.

0

Mogadishu, March 20, 2014– Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Turkey u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Cemalettin Kani Torun ,oo ay ka wada hadleen xoojinta Xiriirka iyo iskaashiga  u dhaxeeya labada dal .

Kulankani ayaa waxaa si qoto dheer loogu falan-qeeyay  horumarinta xiriirka Soomaaliya iyo Turkey,oo ah  xoojinta iyo dardar gelinta howlaha wadaaga ah ee  ka shaqeynaya danaha labada shacab ee walaalaha ah ,  waxaana xusid mudan in dowladda Turkiga oo ah saaxiibka runta ah ee Soomaaliya ay ka fulisay wadanka howlo gargaar bani’aadanimo, mashaariic horumarin oo la xiriira dib u dhiska waddooyinka ,caafimaadka,waxbarashada iyo taageero joogto ah oo dhinacyo badan leh oo ay u fidisay dowladda Federaalka Soomaaliya .

Kulankani oo si heer sare ah u dhacay ayaa ku soo idlaaday jawi farxad iyo reynreyn leh .

DSC04399 DSC04401 DSC04409 DSC04410 DSC04412 DSC04413 DSC04417 DSC04418 DSC04419

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations