Daawo Sawirada: Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya oo kula kulmaya Nairobi dhiggiisa wadanka Kenya .

0

Mogadishu, March 20, 2014 – Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa maanta gaaray Caasimadda Nairobi ee Kenya , isagoo ka ambabaxay Muqdisho , waxaana booqashadiisa magaaladaasi ay la xiriirtaa casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa Kenya H.E. Amina Mohamed oo ay kulan gaar ah yeelan doonaan .

Kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Kenya, kana qeybgali doono daniraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan dalka Kenya Ambassador Mohamed Ali Nur ayaa waxaa looga wada hadli doonaa xoojinta xiriirka labada dal, arrimaha ammaanka,qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya iyo qodobo kale.

Waxaa la qorsheyanayaa in kulankaasi marka uu soo idlaado , in Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh iyo wafdigiisa ay u ambabaxaan Magaalo madaxda Kuwait , oo uu kaga qeyb gali doono Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda wadamada Carabta ee loogu gogol xaarayo shir madaxeedka carbeed wareegiisa 25-aad , oo qabsoomi doona maalmaha 25-26 bishan .

Shir madaxeedka carbeed ayaa waxaa ka horeyn doona afar kulamo oo gogol xaar ah , waxaana ugu horeeya kulanka maanta u furmay mas’uuliyiinta sare ee golaha dhaqaalaha, waxaa xigi doona beri oo Jimce ah fadhiga ergada joogtada iyo mas’uuliyiinta sare ee Wasaaradaha Arrimaha Dibadda wadamada Carbeed si ay u diyaariyaan feylka siyaasadda, maalinta Sabtida ah waxaa kulmi doona golaha dhaqaalaha iyo bulshada oo heer wasiir ah , maalinta Axad waxaa kulan gogol xaar geba-geba ah yeelanaya Wasiirada Arrimaha Dibadda Carbeed si ay u dejiyaan qorshaha jadwalka shaqo ee shirka iyo war murtiyeedka ee la hor dhigi doono hogaamiyaasha Carabta si ay u meel-mariyaan .

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka rajeynaysaa shirkaasi in Wadamada Carabta ay ku dhawaaqaan xilliga uu furmayo shirka maal-gelinta iyo dib u dhiska Soomaaliya oo shirarkii hore ee Jaamacadda Carabta lagu go’aamiyay .

DSC04426

DSC04430 DSC04429 DSC04423 DSC04422 DSC04432 DSC04435 DSC04435_1 DSC04435_2

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations
Follow us on Twitter and Connect to our Facebook page
https://www.twitter.com/mofasomalia
https://www.facebook.com/mofa.somalia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com