Daawo Sawirada: Ardayda Somaliyeed Ee Malaysia Oo Hogaan Cusub Doortay.

0

Selangor, Malaysia: Xaflad si heer sare loo soo agaasimay laguna dooranayay gudoonka cusub ee midowga ardayda somaliyeed ee dalka Malaysia sanada 2014-15 ayaa barqanimadii maanta ka dhacdaay agagaarka xaafada somalida ugu badan tahay dalka Malaysia ee Melati Impian gaar ahaan hall-ka Melati Imbian.

Doorashadan oo ay u sharxanayeen laba ka mid ah ardayda dalkan wax ka barata oo la ka la yiraahdo Shakiib Warsame Omar oo wax ka barta jamacada KLMU iyo weliba Mohamed Idris Ali oo isna wax ka dhigta jamacada UIA.

Abaaro 05:00 Galabnimo ee xilliga dalka Malaysia ayaa waxaa hallka xaadir ku ahaa in ka badan 300 arday kuwaaso soo buuxiyay sharuudihii lagu codeen lahaa, oo ay ka mid ahaayeen in arday walba uu heesto passport viso waxbarasho saran yahay iyo ID-ka carda goobta ama meesha uu wax ka barta cadeynaysa, waxaana amaanka goobta sugayay qaar ka mid ah ciidamada loo yaqaan RELA ARMY oo amaanka munasabadaaha suga.

Inta ay doorashada bilaban aya waxaa xiriirayaha barnaamij uu xusay martida goobta joogta oo ay ka mid ahaayeen Madax Ka Socotay Jaaliyada, mid ka mid ah Xildhibandii dowladii KMG-ahayd ee Somaliya, xubin ka socotay safarada somaliyeed ee dalka Malaysia, qaar ka mid ah aqoonyahanada somaliyeed ee ku nool dalka iyo xubno kale oo bulshada Somaliyeed ee reer Malaysia ku wayn, kuwas oo khudbado muhiim ah meesha ka jeediyay.

Khudbadaha ka dib ayaa waxaa si toos ah u bilaawday codeenta labada musharax e tartamaysay iyado ay ardayda ahayd kuwo ka yimid ilaa 13 jamacadood oo kala duwan oo somalida Malaysia ay wax ka bartaan kuna kala yaalo gobolo kala duwan, waloow xalay doorashada ay ka dhacaysay magaalada caasimada ah ee Kulalumpur, laguna soo beegay maalin weekend ah oo class-yo aysan jirin.

Gudoomiyaha gudiga doorashada ayaa inta uu ku dhawaaqin Natiijada wuxuu ardayda Hortooda Ka Cadeeyay In Musharax Shakiib Uu Ka Tanasulay Booskii uu u tartamayay sidaana uu Gudoomiyaha Midowga Ardayda Somaliyeed Ee Dalka Malaysia Uu Ku Noqday Mudane Mohamed Idris Cali.

Ku Dhawaqitaanka ka bacdi ayuu Gudoomiyaha Cusub mar labaad cadeyay in uu ka dhawayn Doono Wixi Balan Qaad ahaaa ee uu Ardayda Hortooda Ka Sameeyay, wuxuuna ku daray in uu san ka maarmin in lagu garab istaago Howsha Culus Ee Maanta Loo Doortay.

Doorashada Ayaa Ku Soo Adaysaa Xilli la Dhaafay waqtigii Hore Ee Doorashada La Qaban Jiray Tobankii Sanno Ee Hore Sababo la xiriira Is qabqabsi U Dhaxeeya Ururka Imanka Talada Haya Ee Xilka Wareejinaya, wanaa markii Ugu Horeysay Oo Ay Doorashada Xilligeeda Dhaafto.

1239059_504245939681594_429692244_o 1263813_504245889681599_1559407481_o 1417727_504246023014919_1865053167_o 1502641_504245713014950_1457933910_o 1596639_504245743014947_444782622_o 1618345_504245516348303_860864803_o 1780995_504245823014939_1114747336_o 1926300_504245569681631_217374986_o 1974276_504245796348275_84966217_o 10011583_504245179681670_1503135298_o 10011861_504245316348323_1480902290_o 10014726_504246083014913_506981291_o

Mohamed Abdirahman Ismacil “Timo”
Selangor-Malaysia
Mahamed09@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com