Mucjiso: Maxamed Ugaas Xaashi Oo Diiday Inuu Warbaahinta Ka Sheego Xasuuqa Ka Socda Magaalada Kismaayo.

0

Muqdisho (AGGM): Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in kulan ay yeesheen Maxamed Ugaas Xaashi iyo gudi ka koobnaa 17 ruux oo isugu jiray Odoyaal Dhaqan, Siyaasiyiin, Saraakiil iyo Aqoonyahano Beesha Sade uu ku soo dhamaaday fashil, kadib marki Maxamed Ugaas Xaashi uu gudigaas ka diiday inuu ka hadlo Warbaahinta kana sheego xasuuqa iyo barakicinta uu goobjooga u ahaa ee ka socda magaalada Kismaayo.

Warbaahinta Allgalgaduud Media oo xiriir hoose la sameeysay Mas’uuliyiin sare oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxay inoo xaqiijiyeen in Maxamed Ugaas Xaashi uu bataatanba diiday inuu ka hadlo xasuuqa, kufsiga iyo barakicinta ka socota magaalada Kismaayo, waxaana halkaas kasoo baxaya tuhunki laga qabay inuu weli xiriir hoose la leeyahay horjoogeyaasha maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Dhinaca kale Maxamed Ugaas Xaashi isaga ayaa  isla saxan waxuuna dalbaday in laga soo garbaxo oo shir loogu yimaado, waloow ay si wanaagsan dadka u fahansan yihiin qorshaha ka dambeeya shirkan uu dalbaday Maxamed Ugaas Xaashi macnaha ugu weyna waxaa lagu fasiray aan isku kiin sawiro amaba tv-yada halaga daawado anaga oo wada fadhino.

Dhawaan ayay ahayd markii Maxamed Ugaas Xaashi iyo xubno la socday ay soo gaareen magaalada Muqdisho isagoo isaga soo hayaamay magaalada Kismaayo, sida uu sheegayna u dulqaadan waayay xasuuqa,kufsiga iyo barakicinta lagu hayo beesha uu kasoo jeedo, waloow dadka badanki ay aaminsanaayeen inuu magaalada Muqdisho u yimid kala fur furka beeshiisa.

Isku soo wada duuboo waxaa hubaal ah in Maxamed Ugaas Xaashi iyo ragga lamidka ah sida Col. Yaasiin Indhoradaeer, Gen. Fartaag iwm  ay mas’uul ka yihiin wax walba oo shaqsi kamid ah beesha Sade loogu geeysto magaalada Kismaayo ayna gacmaha ku leeyihiin dhiig sookeeye, haddii aysan hadda isbari yeelina waqti ay noqotaba lagula xisaabtami doono Naf iyo Maalba waxa uga dhuma beesha Sade magaalada Kismaayo.

maxamed-ugaas-xaashi

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com