Top News: AMISOM Oo Shan Magaalo Ka Qabsatay Falaagada Al-Shabaab.

0

Muqdisho (AGGM): AMISOM ayaa sheegtay in shan magaalo oo mihiim ah ay ka qabsadeen falaagada argagixisada ah ee Al-Shabaab.

War saxaafadeed ka soo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in magaalada Buulobarde oo ay galabta gacanta ku dhigeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMIOSM in ay ka dhigeyso lix magaalo muhiim ah in laga qabsaday Al-Shabaab labadii todobaad ee ugu danbeyay.

Wakiilka midowga afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa AMISOM, Ambassador Mahamat Saleh Annadif ayaa sheegay in qabashada magaalada Buulo Barde ay guul weyn u tahay ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM,ayna kor u qaadeyso dadaalka dib u soo celinta nabadda ee ka socda Soomaaliya.

Howlgalka sida wada jirka ah ay u wadaan ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo bishan bilowday ayaa ilaa hada lagu xoreeyay shan magaalo oo ku yaala gobolada Bay iyo Bakool oo ka tirsan Sector 3-aad, waxaana ka mid ah magaalooyinkaasi Xudur, Rabdhuure,Ted, Weel dheyn iyo Burdhubow.

“Buulo Barde oo ka tirsan gobolka Hiraan oo ah Sector 4-aad ee howlgalka AMISOM ayaa istiraatiiji u aheyd Al-Shabaab,waxeyna xarun iyo hooy ay u aheyd boqolaal ka tirsan argagixiada xiriirka la leh Al-Qaacidada,qabashada ay magaaladaasi qabsadeen ciidamadeena geesiyaasha ah waxa ay kor u qaadeysaa dadaalkeena ku aadan sidii nabad iyo deganaasho loogu soo celin lahaa Soomaaliya,” Ayuu yiri Ambassador Annadif.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com