Taliska XDS oo ka warbixiyey Howlgalka ka Dhanka ah Al-shabaab ee Socda

0

Muqdisho(AGGM): Taliska Ciidamada XGS ayaa maanta ka warbixiyey Dagaalaka Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay kawadaan Gudaha dalka Soomaaliya,

Shirjiraa’id oo maanta ay wada jir u qabteen Taliyaha XDS iyo Abaanduulahiisa ayaa waxaa ay oga hadleen Dagaalada dalka looga Xoreeyey cadowga Al-shabaab iyo Ajaanibta la socota intaba.

Abaanduulaha Ciidamada XGS C/risaaq Khaliif Cilmi oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay Guulo ka soo hooyeen Dagaalka Al-shabaab Deegaanada iyo Degmooyinka looga Xoreeyey.

Waxa uu ka Codsaday Shacbka Soomaaliyeed Meel kasta oo ay Joogaan in ay Ciidamada soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay la shaqeeyaan oo ay soo sheegaan Kooxda Nabaddiidka ah ee Al-shabaab.

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com