Dagaal iyo Weeraro Xalay ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho(AGGM):Koox Hubeeysan ayaa Xalay Weerarary Fariisimo Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin Warshadii hore ee Baraafuunka ee Degmada Hilwaa.

Weerarka ayaa iskugu jiray Bambooyin iyo Rasaas toos ah sida ay Gal-jubba u xaqiijiyeen Goobjoogeyaal ku sugan degmada Hilwaa.

Khasaaraha  ka dhashay Weerarka Xalay ayaan ilaa hada la ogeen,hadeey ahaan laheeyd Dadka Shacabkaa iyo Dhinacyadii Dagaalamay.

Dhanka kale Waxaa Bambaanooyin lagu Weeraray saldhiga degmada Yaaqshiid iyo Fariisomo Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin Xaafada Seeybiyaano ee Degmada Hodan.

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com