Top News: Addis Abab:Madaxda Igad oo ka shiray Arimaha Amaanka Somalia iyo Suudaan

0

Muqdisho(AGGM):Waxaa lagu wadaa saacadaha soo socda inuu Magaalada Adis ababa ka furmo Shir madaxeedka 25-aad ee Urur Goboleedka IGAD oo looga hadli doona arimaha Amaanka Somalaiya iyo koofurta Suudaan

Wafdi uu Hogaaminayo R.Wasaaraha Somaaliya C/Wali Sheikh Axmed Maxamed ayaa dhanka Somaaliya uga qeybgalaya kulankaa waxaana la filayaa R.Wasaaraha inuu halkaa ka sheego qorshah xasilinta dalka ee Dowladda ay qorsheysay iyo Howlagalada Ciidamada isbeheysanaya ay shabaab uga qabsadeen Magaaloyin dhowr ah

 

Sidookale Mas’uuliyiinta lagu wado inay halkaa ka jeediyaan Qudabadaha waxaa kamid ah m/weynaha uganda Yuweri Muzavani, M/Weynaha Kenya Uhuru Kenyata iyo R.Wasaaraha Ethopia Xeylamaryan Dieseln oo saddaxduba Somaaliya ay ka joogaan Kumanaan Askari oo ku howlgalaya Magaca AMISOM

Wafdiga Somaaliya ka socda ayaa wax laga weydiin doonaa falalka Amni darida ah ee ku batay Caasimada Muqdisho gaar ahaana sida ay ku dhacday weerarkii Al-Shabaab ay kusoo qaaden Xarunta Madaxtooyada.

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com