Dhageyso:Barakac ka socda Buulabarde & Xiisad ka taagan

0

Buulabarde(AGGM): Wararka ka imaanaya Degmada Buulabarde ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Maleeshiyada Al-shabaab ay ka wadaan Dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ay oga Cabsanayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa ka soo dhaqaaqay Bagaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan,halkaa oo la soo sheegayo in ay Ciidamada ku wajahan yihiin Degmada Buulabarde.

Dhanka kale Shacabka ku nool Buulabarde ayaa wada Baraka ay ka sameeenayaan Degmada kuwaas oo ka Cabsi qaba in ay ku duldagaalamaan Maleeshiyada Al-shabaab iyo Ciidamada Dowladda oo Taageero Milatari ka helaya AMISOM.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka Warkaas

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com