Wax Ka Baro Cudurka Maamul Goboleedka!!! W/Q: Xuseen Sahnuuni

0

Cudurka maamul goboleedka waa cudur faafa oo ka jira dalka Somalia oo ay la xanuunsayaan inta badan shacabka Soomaaliyeed meel walb oo ay joogaan (gudaha Somalia iyo dibadaba)

Dhaqaatiirta daraaseysa cudurada nuucaan ah waxay sheegayaan inuu si ba’an ugu sii faafayo koofurta Soomaaliya, waxa ayna sheegeen jeermiska sababa cudurkani in uu yahay QABYAALAD.

Sidoo kale, waxaa la sheegaa in cudurkani uu ka dilaaco meelaha aysan ka jirin dowlad dhexe oo xoog badan, taasoo keenta in dadka ay qaadaan cuduro nafsaani ah oo ku wajahan dhinaca xukunka ka dibna ay ku hadaaqaan Dowlad goboleed baynu nahay, oo waxay iloobayaan sharafta dowladnimada iyo qaranimada.

Dhinaca kale, dhaqaatiirta ku howlan cudurkaan ayaa sheegay in cudurkani daweyntiisu ay adag tahay balse waxay hoosta ka xariiqeen inuu leeyahay ka hortag wanaagsan oo ah;

1: in dowlad dhexe oo xoog badan ay hanato guud ahaan amniga dalka uu ka dilaaco

2: in odoyaasha beelaha iyo siyaasiyiinta dalka uu ka dilaaco la baro, in qaranimado ka wanaagsan tahay dowlad goboleed qabiil ku dhisan

3: in culumada Diinta Islaamka ay sheegaan xaqa oo ah in qabyaaladdu qurun tahay

4: in talaabo sharci saxaafadda lagu qaado warbaahinta buun buunisa maamulada ku dhisan qabiilka iyo kooxeysiga ee burburinaya wadajirka ummadda.

Ugu dambeyn xeel dheerayaasha cudurka Maamul goboleedyada ayaa ka digaya sii faafidda cudurkani sababtoo ah waxay leeyihiin waa cudur jiridda u siibaya qaranka Soomaaliya, taasoo dadka Soomaaliyeed ka dhigi karta sida falastiin oo kale.

W/Q: Xuseen Sahnuuni

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com