Top News: Dowladda Australia Oo Ugu Deeqday $10m Soomaaliya.

0

Sydney (AGGM): Dowladda Australia ayaa ku deeqday Soomaaliy lacag gaareysa ilaa 10 Milyan oo dollaarka Maraykanka, si wax looga qabto xaalada ammaan iyo mid bini’aadinimo ee ka taagan dalkaas.

Wasiirka arrimaha dibedda Julie Bishop ayaa sheegtay $2 million oo ka mid ah lacagtaas in lagu taageeri doono howgalka Midowga Afrika ee AMISOM si loo dardar galiyo dagaalka lagula jirro Al-Shabaab.

Sidoo kale $8 million ayaa wax looga qaban doonaa dedaalada arrimaha bini’aadinimada sidda biyo nadiif ah iyo adeeg caafimaad in ay helaan dadka Soomaalida.

Ms Bishop ayaa sheegtay in Soomaaliya oo degta in ay dalka Australia ay faa’ido u tahay..

“Waxaan gacan ka geesan doonaan siddii loola dagaalami lahaa aragagixisada loona hormarin lahaa dalka ku yaalla badweynta Hindiya iyo siddoo kale in la yareeyo weerarada burcadbadeeda oo curyaaamiyay ganacsiga marayay Australia,” ayey ku sheegtay war-qoraal ah oo ay soo saartay isniintii shaley.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com