Akhriso: Warmurtiyeed Kasoo Baxay Golaha Nabadda Iyo Midnimada Ee Gobolada Jubba.

0

Muqdisho (AGGM): Warbaahinta Caalamiga ah ee Allgalgaduud Media waxay idiin soo gudbinaysaa Warmurtiyeedkii kasoo baxay shirkii maanta magaalada Muqdisho looga dhawaaqayay Golaha Nabada iyo midnimada ee gobolada Jubba.

Hadaba Hoos ka daalaco.

Date: 11/3/2014

Ku: Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Jam. fed. Soomaaliya Mudane Cabdiwali Shiikh axmed
Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Ku: Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramadoobay
Ku: Wakiilka Midowga Afrika
Ku: Wakiilka Urur-goboleedka IGAD
Ku: Dhammaan Waddammada Daneeya Arrimaha Soomaaliya
Og. Madaxweynaha Dowladda Jam. Fed. Soomaaliya
Og. Guddoomiyaha Golaha Shacbiga Qaranka

Ujeeddo: Golaha Nabadda iyo Midnimada ee Gobollada Jubba

Waa gole ay ku bahoobeen xoogag wadani ah oo ku mideysan Nabad-ku-soo-celinta Dalka iyo soo noolaynta midnimada dadka Soomaaliyed, gaar ahaan bulshada ku nool Gobollada Jubba.

Waxaa Hoggaaminta Golahan ku jira xubno ka mid ah Saxiixayaasha Heshiiska Nabadda ee Shirweynihii Dib-u-heshiisiinta ee Gobollada Jubba ee lagu qabtay Magaalo-Madaxda Dalka ee Muqdishu 3-6/11/2013kii.

Golaha Nabadda iyo Midnmada ee Gobollada Jubba, wuxuu aamminsan yahay in Nabaddu ay saldhig u tahay nolosha aadanaha, la’aanteedna aan horumar jiri karin. Nabad la’aani waxay abuurtaa is-nacayb iyo cadaawad bulshada dhexdeeda ah. Waxaan shaki lahayn in meel aan nabadi ka jirin aan Midnimo ka jiri karin.

Golahaan, waxaa mabaadiidiisu ku salaysan tahay in khilaaf kasta oo jira lagu dhameeyo wadahadal dhexmara dhinacyada khilaafka; intii suurtoggal ahna laga waantoobo dagaal iyo wax kasta oo colaad hurin kara; taas oo wiiqaysa midnimada bulshada.

Golahani wuxuu higsanayaa in uu dadka Soomaaliyeed dareensiiyo, isla markaana aamminsiiyo in qof walba uu nabad u baahan yahay, isna laga rabo in uu Nabadda cod iyo ciidan u noqdo.

QAAB-DHISMEEDKA GOLAHA

Goluhu wuxuu leeyahay:

Guddi Hoggaamin
Afhayeen
Guddi Fulin
Gole dhexe, iyo
Gole Guurti

1. Guddiga Hoggaaminta waxa uu xilka si ku meel gaar ah u haynayaa muddo saddex bilood ah; waxaan uu ka kooban yahay :

1) Barre Aden Shire Guddoomiye
2) Cabbaas Maxamuud Caddow Gud. Ku-xigeenka 1aad
3) Cumar Buraale Axmed Gud. Ku-xigeenka 2aad
4) Yaxye Sadiik Mugasa Gud, Ku-xigeenka 3aad
5) Abuukar Macalim Cali Xoghaye
6) Salaad Cilmi Axmed Afhayeen
7) Maxamed Amiin Cabdulaahi Xubin
8) Xasan Macalim Gaabow
9) Cabdulaahi Salaad Yarow

Golaha Nabadda iyo Midnimada ee Gobollada Jubba, waxa uu si buuxda u xurmaynayaa Heshiiska Addis Ababa ee 27/8/2013kii iyo Heshiiska Nabadda ee Shirweynihii Dib-u-heshiisiinta Gobollada Jubba ee Muqdisho ee 6/11/2013kii. Golahani waxa uu soo dhoweynayaa, uuna diyaar u yahay in uu wax ka hirgeliyo dhisitaanka Maamulka Jubba ee Gobollada Gedo, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose. Waxa uu Goluhu si buuxda u aamminsan yahay in habsami u dhaqangelinta Heshiiska Addis Ababa ay tahay waddada ugu habboon ee nabad waarta looga dhalin karo Gobollada Jubba.

Golahani waxa uu higsanayaa in la xaqiijiyo:

Wajiga 1aa:

A In la qabto Shirweynaha Dib-u-heshiisiinta Gobollada Jubba ee Kismaayo ee ku cad Heshiika Addis Ababa, ayna Dawladda Jam. Federaalka Soomaaliya hoggaamiso; kaas oo la doonayo in ay soo baxaan:

ü Dib-u-heshiisiin dhexmarta beelaha dega Gobollada Jubba

ü Maamul shaqayn kara oo la isla oggol yahay, loona dhan yahay

A Qaramaynta Ciidammada iyo xaraynta dhammaan maleeshiyaadka dhinacyada kala duwan.

Wajiga 2aad:

A Dhamaystiridda dib-u-heshiisiinta

A Dhisidda Dowlad-Goboleedka Gobollada Jubba

Golaha Nabadda iyo Midnimada ee Gobollada Jubba, waxa uu halkan ku caddeynayaa in uusan aqoonsanayn, aynna yihiin wax-kama-jiraan falalka uu Axmed Maamed Islaan ku magacaabay waxa uu ugu yeeray Maamul; taas oo si cad uga soo horjeedda qodobka 9aad ee Heshiiska Addis Ababa.

Sida laga warqabo, waxaa isku-celceliska dadka maalintii lagu dilo magaalada Kismaayo yahay shan qof; taas oo bishii noqonaysa 150 qof, sanadkiina noqonaysa 1800 oo qof. Waxaa ayaandarro ah, in Ciidanka AMISOM ee Kismaayo ku sugan uu daawanayo xasuuqa halkaas laga wado; isla markaana uu derbi iyo diffaac u yahay kuwa ku xadgudbaya xuquuqda aadanaha ee joogtada u laynaya dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com