Top News: AMISOM Oo Shaacisey In La Bixiyey Amarka Dagaalo Lagu Qaadayo Shabaabka Gobolada Dhexe.

0

Muqdisho (AGGM): Taliska AMISOM ayaa bixiyay amar ku aadan dagaalo culus oo lagu qaadayo Shabaabka ku sugan Gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya, sida uu xaqiijiyay afhayeenka ciidanka AMISOM.

Col. Cali Aadan Xumad oo la hadla Idaacada VOA ayaa wuxuu sheegay in howlgalka qeybta saddexaad ee ciidanka AMISOM iminka laga soo gudbay loona soo tallaabay dhanka afaraad, iyadoo saraakiisha AMISOM ee Gobalada dhexe amar lasiiyay.

Wuxuu sheegay in saraakiisha AMISOM ee Muqdisho jooga ay bixiyeen amarkaasi, islamarkaana saraakiisha AMISOM ee amarka lasiiyay laga sugayo inay soo gudbiyaan qaabka ay ku wajahayaan dagaalada ka dhanka ah Shabaab.

Col. Cali Aadan Xumad, ayaa tilmaamay in awooda dagaalamayaasha Shabaab ay hada hoos udhacday sida uu sheegay, ayna la dagaalamayaan hadii ay yihiin AMISOM cid waliba oo ka hortimaada sida hadalka uu udhigay.

AMISOM iyo ciidanka Dowladda federaalka Soomaaliya oo iskaashanaya ayaa dagaalo culus kula jira Ururka Al-Shabaab ee ka dagaalama Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Isku soo wada duuboo Dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Gobalka Gedo ciidanka Huwanta waxaa ugu suuragashay inay qabsadaan Degmada Buurdhuubo oo Gobalkaasi ka tirsan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com