Top News: Madaafiic Caawa lagu Garaacay Magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (AGGM): Madaafiicda ayaa waxaa ay ku soo dhaceen intooda badan Degmooyinka Hodan iyo Waabari ee Gobolka Banaadir,waxaana ilaa Dhawr Hoobiye ay ku soo dhaceen KM-4 iyo Wadada Shaqaalaha ee Muqdisho.

Waxaa sidoo kale jirtay in Madaafiic kale ay ku soo dhaceen Degmada Boondheere  iyo Wardhiigleey ee Gobolka Banaadir.

Khasaaraha ka dhashay Weerarka Hoobiyaashaa ee Magaalada Muqdisho lagu soo qaaday ayaan la sheegin ilaa iyo hada inta uu le egyahay,waqtiga oo Habeen ah owgeed.

Maleeshiyada Al-shabaab oo Warbaahinta Afkooda ku hadla Warsiiyey ayaa sheegtay in ay ka danbeeyaan Mas’uuliyada Weerarka Caawa,waxaana ay sheegeen in uu ujeedkoodu uu ahaa Madaxtooyada Soomaaliya iyo Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com