Daawo Sawirada:R/wasaare C/wali Sheekh Axmed oo Galabta la kulmay Bulshada Rayidka.

0

Muqdisho, March 10.2014—-Ra’iisul Wasaarhaa Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa galabta ka qeybgalay munaasabada sanad-guurada 6-aad ee Jilayaasha aan Dawliga aheyn ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya (SOSCENCA), wuxuuna ka codsaday hay’addaha aan dawliga aheyn iyo ururada bulshada rayidku inay dawladda kala shaqeeyaan isku soo dhaweynta bulshada iyo horumarinta nabadda.

“Waan ku faraxsanahay inaan galabta ka soo qeybgalo munaasabadda sanad-guurada lixaad ee SOSCENCA” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo ka codsaday in si wada jir ah loogu guntado sidii loo samatabixin lahaa dalka, basle aan lagu eegan oo kaliya dawladda “Dawladda, ururada bulshada iyo guud ahaan shacabka oo isku duuban oo kaliya ayaa ka guuleysan kara caddowga, balse haddii tafaraaruq uu dhoco caddowga ayaa naga guuleysanaya” ayuu mar kale yiri.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa u balan qaaday ka soo qeybgalayaashii munaasabadda in xukuumadu ay muhiimad siineyso shaqo abuurista iyo fursad siinta dhalinyarada Soomaaliyeed, sidoo kalena ay adkeyn doonaan nidaamka Cadaalada iyo Garsoorka dalka si shacabku u helaan sinaan iyo cadaalad.

IMG_8937 IMG_8942 IMG_8948 IMG_8958 IMG_8977 IMG_9061 IMG_9065 IMG_90401

Garad Salad Hersi

Senior Press officer, OPM

Mob.+252-61-5536608

Mogadishu, Somalia

Isha Ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com