Daawo : Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda oo Bari’Khodbad ka jeedindoona Shirka Africa iyo India.

0

New Delhi , March 10 , 2014- Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Buri’ Mohamed Hamza ayaa maanta lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo shirka wadamada Africa iyo India ee ka furmay gelinkii dambe ee shalay dhismaha Taj Palace ee Magaalada New Delhi ee Caasimadda dalka India.

Shirkani oo soconaya maalmaha 9-11 March, ayaa looga hadlayaa Xiriirka India iyo Africa iyo iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha iyo horumarinta , waxaana la qorsheynayaa in Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga uu jeediyo khudbad uu kaga hadlayo horumarada amni, dhaqan , dhaqaale iyo bulsho ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay xaqiijisay , waxa uuna ku boorin doonaa shirkadaha India inay maalgeshi ku sameeyaan dalka Soomaaliya oo leh kheyraad dihan oo dhex ceegaaga badaha iyo bariga .

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Buri’ Mohamed Hamza ayaa mudada shirka uu ka soconayo Magaalada New Delhi , waxa uu kulamo gaar gaar ah la kala yeelan doonaa qaar ka mid ah mas’uuliyiinta shirkaasi lagu cazuumay ka qeybgalkiisa , Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga ee Xukuumadda India , waxaana la filayaa inuu booqasho ku tago Machadka diblomaasiyadda ee dalkaasi .

IMG_2271 IMG_2218 IMG_2200 IMG_2198 IMG_2192

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations
Follow us on Twitter and Connect to our Facebook page
https://www.twitter.com/mofasomalia
https://www.facebook.com/mofa.somalia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com