War Deg Deg Ah: Ganacsade Xasan Diiriye Quuq Oo Iminka Lagu Dilay Gudaha Magaalada Kismaayo.

0

Kismaayo (AGGM): Wararka iminka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in ganacsade caan ka ahaa gobolada Jubbooyinka iyo Gedo oo lagu magacaabi jiray Allaha u Naxariistee Ganacsade Xasan Diiriye Quuq lagu dilay gudaha magaalada Kismaayo.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in dilka Marxuum Xasan Diiriye Quuq ay geeysteen maleeshiyo ka tirsan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Ganacsadahan ayaa waxaa la dilay isagoo kasoo baxay Salaadi Maqrib kuna wajahan gurigiisa uu ka dagan yahay magaalada Kismaayo waxaana lagu dilay markuu marayo agagaarka xarunti hore ee shirkada Nation.

Dhinaca kale waxaa sii laba jibaarmay dilalka, kufsiga iyo xariga weli ka socda magaalada Kismaayo ee ay geesanayaan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni, tobaadki tagay ayaa sidoo kale Rag fara badan lagu laayay halka Haweena lagu kufsaday magaaladaasi.

Isku soo wada duuboo dilalka, xariga kufsiga iyo barakicinta ay magaalada Kismaayo ka wadaan maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ayaa noqonaya kuwo sii laba jibaari doona dagaalo beeleed ka qarxa gobolada Jubbooyinka mudooyinka fooda inagu soo haya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com