Daawo Sawirada:Duqa Muqdisho Ahna Gudoomyaha gobolka Banaadir oo La Kulmay Gudomiyaasha Dagmooyinka

0

Muqdisho (AGGM): Kulan maanta dhexmaray dhamaan 16-ka dagmo ee gobolka Banaadir ayaa waxaa shir guddoominayay Duqa magaalada Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, waxaana shirkaasi uu ka dhacay xafiiskiisa.

Ajandaha kulanka oo ahaa mid isbarasho iyo dardaaran   waxaa ugu horeyn daahdfuray guddoomiye ku xigeenka siyaasadda iyo arrimaha bulshada, wuxuuna sheegay in kulankaani uu yahay mid ku saleysan isbarashada Duqa magaalada Muqdisho ee cusub iyo dhamaan guddoomiye yaasha dagmooyinka gobolka Banaadir, wuxuuna intaas kadib ku soo dhaweeyay mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab xafiiskiisa.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa ugu horeyn uga mahadcelshay dhaaman Guddoomiye yaasha 16-ka dagmo ee maamulka Gobolka Banaadir howsha adag oo ay shacabka u hayaan, wuxuna ka dalbaday iney sii laba jibaaraan howshooda, isagoo markale meesha ka saaray hadalo been abuur ah oo larabo in qalqal lagu galsho hanaanka maamul wanaaga gobolka Banaadir ee ah in la badali doono shalqaaha gobolka iyo dagmooyinka.

Dhanka kale waxaa daradar cusub la galiyay howlihii bixinta iyo qaadashada Kaararka muwaadinimada, iyadoona lagu soo kordhiyay adeegyo cusub iyo xafiis cabashada dadweynaha ah kaasoo la rajeynayo in baahida iyo cabashada dadweynaha uu wax weyn ka qaban doono.

DSCF9088 DSCF9087 DSCF9086 DSCF9084 DSCF9081 DSCF9080 DSCF9074 DSCF9073 DSCF9072 DSCF9070 DSCF9069 DSCF9067 DSCF9066 DSCF9098

Xafiiska Warfaafinta maamulka Gobolka Banaadir
Mogadishu-Somalia.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media

allgalgaduud@gmail.com