Daawo Sawirada: Maalinta Haweenka oo si weyn looga xusay Colubus Ohio.

0

Columbus, Ohio (AGGM): Xaflad lagu maamuusayay Maalinta Haweenka Aduunka ee 8 Maarso ayaa lagu qabtay magaalada Columbus Ohioee dalka Maraykanka.

Waxaa ka soo qeybgalay qeybaha kala duwan ee qowmiyadaha kala duwan ee ku nool gobolka Ohio iyada oo ay xaflada goob joog ka ahayeen Haween xilal sare ka haya Dowlada gobolka Ohio gaar ahaan magaalada Columbus sida Congress Woman Joyce Beatty, Senator Charleta B. Tavares, City Counsel Woman Eileen Y. Paley Masuuliyiin kale oo aad u faro badan kuwaas oo dhamaantood ka hadlay ahmiyada ay haweenku bulshada u leeyihiin iyo sida ay bulsho walba kaalin muuqata uga ciyaaraan Noloshooda dhan walba.

Dad dhaqamo iyo Afafkala duwan ayaa goobta isugu yimid kuwaas oo ka midaysnaa jiritaanka maalintan iyo kaalinta haweenka in ay tahay Muhiim.

Masuuliyiintii soo abaabulay xafladan ayaa sheegay in xafladna ay tahay sanadkii Sadexaad ee lagu qabto magaalada Columus gaar aqalka looga arimoyo gobolka ohio ee loo yaqaan (State House)

Qaar ayaa soo bandhigay dhaqamada dalalkooda iyaga oo muujinayay sida ay maalintan ugu weyntahay haweenka dalalkooda oo marxalado kala duwan ku nool isla markaana siyaabo kala duwan u xusaya maanta oo kale.

Jaaliyada Soomaaliyeed ee Columbus oo ay horkacayaan Aqoonyahano iyo siyaasiyiin Rugcadaa ah oo uu ka mid yahay Wasiirkii hore ee Waxbarashada Dowladii KMG ahady Dr: Abdi Nuur Sheikh Mohamed, ayaa dhankooda soo buux dhaafiyay goobta waxaana xafladan ay noqonaysaa mid si weyn isugu xirta dadka ka soo kala jeeda wadamada kala gadisan ee uu mideeyay dalweynaha maraykanka kuwaas oo si gaar ah ugu nool magaalada Columbus.

Waxaa shahaadooyin la gudoonsiiyay Dhawr qof oo lagu abaalmariyay adeegooda jaaliyada iyo howlaha ay bulshada u ahayaan.

Khadro Mohamed Shire oo ah shaqsiga soo abaabulay xafladan ayaa uga mahadcelisay dhamaan dadkii ka soo qeybgalay sida ay uga qeyb qaadanayaan sidii loo dhiirogalin lahaa haweenka aduunka gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed oo ay tusaalaysay marxaladihii qaraaraa ee ay soo mareen.

IMG_1815 IMG_1811 IMG_1810 IMG_1809 IMG_1808 IMG_1807 IMG_1796 IMG_1787 IMG_1785 IMG_1780 IMG_1778 IMG_1770 IMG_1768 IMG_1766 IMG_1745 IMG_1744 IMG_1735 IMG_1732 IMG_1699 IMG_1687 IMG_1666 IMG_1608 IMG_1582 IMG_1570 IMG_9988 IMG_9986 IMG_9984 IMG_9983 IMG_9979 IMG_9973 IMG_9972 IMG_9971 IMG_9970 IMG_9969 IMG_9968 IMG_9967 IMG_9944 IMG_9943 IMG_9942 IMG_9917 IMG_9916 IMG_9915 IMG_9914 IMG_9913 IMG_9912 IMG_9911 IMG_9910 IMG_9909 IMG_9908 IMG_9907 IMG_9906 IMG_9905 IMG_9904 IMG_9884 IMG_9881 IMG_9879 IMG_9877 IMG_9869 IMG_9855 IMG_9853 IMG_9852 IMG_9851 IMG_9850 IMG_9849 IMG_9848 IMG_9847 IMG_9846 IMG_9845 IMG_9844 IMG_9843 IMG_9842 IMG_9841 IMG_9840 IMG_9839 IMG_9838 IMG_1506 IMG_1502 IMG_1828

Deeqo Shire (SONNA)
Deeqosonna@gmail.com

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com