Dhageyso: Raysul wasaaraha Soomaaliya oo hambalyo u diray Haweenka.

0

Muqdisho(AGGM):Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa haweenka Soomaaliyeed u diray hambalyo iyo bogaadin ku aaddan maalinta caalmiga ah ee haweenka oo ku beegan maanta.

Raysul wasaaraha ayaa sheegay in maalinta haweenka ay tahay maalin qaddarin mudan, maadaama ay haweenku yihiin laf-dhabarta iyo horseedka bulsho kasta.

Haweenka Soomaaliyeed ayuu ku ammaanay kaalinta ay had iyo goor ka qaataan dedaallada nabadda iyo horumarka dalka, wuxuuna ka codsaday inay sii dar-dar galiyaan waxqabadkooda.

Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa haweenka Soomaaliyeed u rajeeyay inay maanta maalinteeda ku gaaraan nabadgelyo, horumar iyo baraare.

Sanad kasta marka la gaaro 8-da March waxaa caalamka laga xusaa maalinta haweenka.

Halkaan Hoose ka dhageeyso Codka Raisul wasaaraha Soomaaliya

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com