Qaabka Ugu Wanaagsan Ee Loola Dhaqmo Caruurta Xiliga Koriinkooda.W/Q:- Maxamed Axmed Caaqil

0

Koriinka caruurta oo la wanaajiyo waxay sahashaa helitaanka Jiil maskax fiyoow oo caafimaad ku hana qaada, Waalidka caruurta dhalayna wuxuu ka dhaxlaa caruur uu Allah caqli iyo garaad sare u hibeeyay kuwaa oo yeesha maskax fahan wanaagsan iyo fariidnimo isku darsatay.

Culumada cilmiga saykolijiga waxay ku kala aragtid duwan yihiin qaabka koriinka caruurta iyo sida loola macaamilo xiligii koritaanka ay ku jiraan, waxaase inbadan oo ka mid ah culumadaasi ay isku waafaqeen caruurtu inay u baahan yihiin naxariis siyaado ah si ay u noqdaan kuwa awoodo inay soo bandhigtaan rabitaankooda.

Hadaba isku day inaad si wanaagsan u dhuuxdid qoraalkan aan ugu talo galnay inaan ku iftiimino qaabka ugu wanaagsan ee koriinka caruurta.

1- Ha u goodin, cago jugleenta iyo cabsi gelinta joogtada ahna ka daa, si aanu noqon ilmahaaga yarka ah mid maqalka codkaaga aan jecleen, Muuqaalka aragaagana aan ku farxin.

2- Ha cadaadin hana caburin aragtidiisa maxaa yeelay wuxuu noqonayaa qof bar-baara “weynaada” isaga oo aan awoodin aragtidiisa inuu soo bandhigo.

3- Ha u sameen balan qaadyo been ah, hana noqon mid awlaadiisa ay been ku barato, sidaasi darteed isku day ilmahaaga inaad dareensiiso inaad beenta neceb tahay, Danbina ay tahay sheegitaanka beenta, Ogow ilmahaaga mar walba wuxuu ku dadaalaa inuu ka fogaado waxa aad neceb tahay.

4- U ogolow inuu kuu sheekeeyo, fursadna u sii dhageysigiisa, ha dareensiinin sheekadiisa inay ku caajis gelineeso, la qosol, u sheeg inaad jeceshahay oo waxaad ku dhahdaa “ Aabe waxaa tahay wiilkeyga/Gabadheeda si wanaagsan ayaan kuu jeclahay” ku qabo laabtaada oo qalbigiisa ku beer jaceylka waalidnimo.

5- La cayaar cayaaraha ilmaha yar yar ay jecel yihiin hana ka xishoon maxaa yeelay waa farxad carruurtaada, baddka “deyr-ka” guriga kula cayaar, ku xiro hal xiraale aan aad u adkeen si maskaxda ilmahaaga ay u noqoto mid fakarta oo shaqeesa, hadii uu ku guuleesto jawaabta hal xiraalahaasi abaalmarin u samee si mar walba uu ugu dhiirado ka shaqeesiinta maskaxda.

6- Ha oran kalimadaha xun xun ee inbadan oo soomaalida ka mid ah ay isticmaalaan sida “ Doqon, Baastar, Xayawaan, uf ” iyo wixii la mid ah maxaa yeelay maskaxda caruurtu waa mid qabsata kalimad walba oo afka waalidkiisa ka soo baxda, Ogow hadii aad Wiilkaaga/Gabadhaada mar walba ku tiraahdo Doqon wuu ku sifeesmayaa oo caqligiisa inuusan dhameestirmin ayaa macquul si dabiici ah.

7- U quur caruurtaada inaad hadiyad u iibisid, oo aad si kadis ah ugu geesid, ha noqon mid caruurtiisa kaliya Maalmaha Ciidaha islaamka wax u iibiya.

8- Bar Diinta islaamka, Inta uu yar yahay waxaad si gaar ah u bartaa Allah inuu Aduunka leeyahay, hadii uu ku yiraahdo Allah yaa waaye ?, su’aashiisa ha ka caroon, si tartiib ah u fahansii jiritaan Allah “SW”, ka dibna waxaa xaqiiqo ah inuu Wiilkaaga/Gabadhaada ay si dhab ah maskaxdoodu ugu buuxsameeso jaceylka Allah.

9- U kaxee Goobaha waalidiinta kale caruurahooda u geeyaan inay ku cayaaraan, si qurux badan oo uu jecleesanayo ugu labis, Hooyadiis ha wehliso adiguna “Aabaha” dhiniciisa taagnow oo u raac goobahaasi , si niyada ay ugu dhisinto oo uu u dareemo in Hooyadiis iyo Aabihiis ay jecel yihiin, qalbigiisuna uu ugu beermo jaceylka waalidkiisa.

10- Maqashii dhagahiisa kalimado dhiiragelin amaan la hubiyay ah sida “ waxaa tahay Wiilkeyga/Gabadheeda aan ku faano oo aan jeclahay, Caaqlilow ayaa tahay, Geesi ayaa tahay wiilkeygiyoow/Gabadheediyey, Maskax fiican ayaa Allah ku siiyay oo Casharka aad ku xifdisid” ogow mar walba oo aad Ilmahaaga amaanto wuxuu isku dayaa inuu ku sii dadaalo oo ka sii badiyo ficilkii uu sameeyay si uu mar kale iyo mar kaleba u muteesto Amaanta waalidkiisa.

W/Q:- Maxamed Axmed Caaqil

Khartoum-Sudan

+249-929-803494

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com