Top News: Gobolka Crimea oo “ku biiray” Ruushka

0

Muqdisho (AGGM): Baarlamaanka Crimea ayaa aqlabiyad ugu codeeyay in gobolkaas uu qeyb ka noqodo Ruushka.

Qorshahan ayaa loo bandhigi doonaa dadweynaha gobolkaas 10 maalmood gudahood, markaas oo la filayo in la ansixiyo.

Baarlamaanka awood uma laha inuu gobolka ka gooya dalka intiisa kale, balse Ruushka ayaa haatan si buuxda uga taliyo gobolkaas.

Wasiirka caddaaladda ee Ukraine ayaa sheegay in afti kasta oo laga qabto gobolkaas ay noqon doonto mid sharci darro ah.

Ruushka iyo Midowga Yurub

Ruushka iyo Midowga Yurub ayaa ku kala qeybsan qalalaasaha ka taagan Ukraine.

Hogaamiyayaasha dalalka Yurub ayaa la filayaa in ay maanta kulan dag-dag ah ku yeeshaan magaalada Brussels, kaas oo looga hadlayo xiisada ka taagan dalka Ukraine.

Rai’salwasaaraha cusub ee dalkaasi, Arseniy Yatsenyuk, ayaa la filayaa in uu ka soo qeybgalo kulankaasi.

Wadahadaladii maalintii Talaaddada ahayd ay ku yeehseen Ruushka iyo reer galbeedka magaaladda Paris ee xarunta Faransiiska ayaa laga sameeyey wax yar oo horumar ah.

Dowladdaha midowga yurub ayaa waxa ay ku kala qeybsan yihiin sida looga jawaabi lahaa faragalinta Militeri ee dalka Ruushka ee gobalka Crimea.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com