FIBA oo Tababar Kubadda Koleyga u soo Xirtey Garsoorayaal Soomaaliyeed “Sawirro”

0

Muqdisho(AGGM): Xiriirka kubadda Koleyga caalamka ee FIBA  ayaa soo gabo gabeeyey seminaar dhinaca aqoonta garsoorka kubadda koleyga oo xarunta cusub ee GOS uga socdey ilaa 23 garsoorayaal u diiwaangashan XSKK.

Tababarka oo soconayey ilaa sadex maalmood ayaa waxaa bixinayey macalin ka socda ururka kubadda koleyga aduunka ee FIBA,waxaana garsoorayaashu ay qaadanayeen labada gelin oo casharo iyo tijaabo gudaha garoonka ay ku sameynayeen iyadoo lagu barayey waxyaabihii ugu danbeeyey ee kusoo kordhey sharciyada garsoorka ee caalamka iyo xirfadaha laga doonayo inuu adeegsado.

Xafladii gabo gabada seminaarkaasi oo ka dhacdey hoolka shirarka ee xarunta cusub gudiga Olombikadda ayaa waxaa goob joog ka ahaa Gudoomiyaha GOS C/laahi Axmed Tarabi,Xaaji Maxamed Colow oo ah GXSF iyo madaxa GOS ee qilaafaadka,GXKG Maxamed Xuurshe Eenow,gudoomiye ku xigeenada XSKK, Cali Xasan cali iyo Xaawo Cismaan X/taako,Xoghayaha XSKK Siciid Faarax Ducaalle,Xubno tirsan Xiriirka Koleyga,garsoore caalami Suleymaan Maxamed Cali,ciyaaryahano hore oo uu kamid yahay macalin Shiine Guhaad,iyo bahda saxaafadda.

Siciid faarax Xoghayaha XSKK ayaa halkaasi ka jeediyey qudbad ku aadan mudada sadexda maalmood oo garsoorayaasha halkaasi lagu siinayey casharada,isagoo u mahadceliyey khabiirka reer Slovakia ee FIBA ka tirsan ee ka aqbaley inuu gacan siiyo Soomaaliya sportigeeda gaar ahaan Kubadda koleyga dhanka garsoorka.

Lubamir kotleba  oo u dhashey dalka Slovakia   isla markaana katirsan IOC iyo FIBA ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay soo dhoweynta wacan ee uu kala kulmey bahda Kubadda Koleyga iyo Gudiga olombikada Soomaaliya,wuxuuna soo hadal qaadey in sanadkii 2012 uu Nairobi kula kulmey garsoore caalami Suleymaan Maxed Cali uuna ka codsadey in Somaliya uu siiyo tababar laakiin waxaan weydiiyey ayuu yiri inay nabad ka jirto.

“Sidoo kale waxaa dalka Switzerland xafiiskeyga aan ku leeyahay iigu yimid dhowaan Xoghayaha XSKK Mr  Siciid Faarax isagoo iga codsadey in garsoorayaasha Soomaaliyeed uga faaideeyo waxyaabihii ugu danbeeyey,isla markaana Muqdisho amaankeedu wanaagsan yahay,sidaasi ayaana ku imid waana ku faraxsanahay mar kale anigoo filaya inay wadada u sii furi doonto horumarin kale oo laga sameeyo sportiga dalkan”ayuu raaciyey.

Gudoomiyaha GOS C/laahi Axmed tarabi ayaa halkasi ka jeediyey xiritaankii qudbad aad looga helay oo uu ku dhiirogelinaayey dhamaan garsoorayaashii tababarkaasi ka faaideystey oo uu ku amaanay in iyadoo lagu jiro bishii March oo aad u kulul ay u adkeeysteen tababarka dhinacyada kala duwan lahaa ee ay ka heleen FIBA.

“Waxaan rajeeyn doonaa in  dhamaan xiriirada dalka ay sidaan oo kale u dadaali doonaan runtii waagii hore ama bahdii hore ee ciyaaraha dhinacyada farsamada xiligaan isbedel weeyn ayaa ku yimid waxaana waajib ah inaan Tababarayaasha,garsoorka iyo dhinaca maamulkaba la siiyo tababarada si arinta horumarinta looga miro dhaliyo”ayuu kusoo gabogabeeyey gudoomiyaha oo aad ugu mahadceliyey khabiirka FIBA.

Waxaa halkaasi lagu bixiyey shahaadooyin ka qeyb galka Tababarka oo la gudoonsiiyey dhamaan 23-kii garsoore ee tababarka ka qeybgashey iyadoo sidoo kale Khabiirka FIBA iyo garsoore caalami Suleymaan halkaasi shahaadooyin ku gudoomeen.

1 28 30 38 47 54 73 82 93 105 116 124 135 142 155 163 175 184 191 202 213 223 233 261 271 281

W/D:C/xafiid C/samad Zaciimka

 S/Qaade:Xuseen M.hadaafow

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com