Dhageyso: Safiirka Dalka Turkiga Ee Soomaaliya Oo Gaaray Magaalada Garoowe.

0

Garoowe (AGGM): Wafdi uu hoggaaminayo safiirka dalka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Dr. Kani Torun ayaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland.

Socdalka safiirka waxaa ku waheliya xubno ka tirsan dowladda Turkiga iyo hay’adaha horumarinta ee Turkiga.

Waxaa lugu sheegay ujeeddada booqashada waftigaan ka socda dowladda Turkiga inay la xiriirto sidii ay ugala hadli lahaayeen madaxda Puntland caawimadda Turkiga uu siiyo Soomaaliya iyo sida hay’addaha samafalka Turkiga ay uga howlgeli lahaayeen deegaannada Puntland.

Madaxda sare ee dowladda Puntland oo uu ka mid yahay madaxweyne Gaas ayaa safiirka iyo waftigiisa ku soo dhaweeyry garoonka diyaaradaha ee Garoowe.

Safiirka Turkiga ufadhiya Soomaaliya iyo mas’uuliyinta dalkaasi ka socda waxaa ay booqden isbitaalka guud ee Garoowe,iyagoona warbixin ka dhageystay maamulka isbitaalka. Wafdiga ayaa sidoo kale booqday jaamacadda Puntland State University.

Sidoo kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in xilligan dowladda Turkigu qorsheynayso sidii ay Puntland uga furi lahayd xafiis qaabilsan mashaariicda horumarinta kaaso laga furayo magaalada Garoowe.

Waxaa la sheegay in shaqada xafiiskan ay noqon doonto fududeynta adeegyada daryeelka caafimaadka, waxbarashada iyo mashaariicda horumarinta ee Turkiga uu doonayo inuu ka hirgeliyo Puntland.

Dowladda Turkiga,waxaa ay dhinaceeda horay u ballan-qaaday inay mashaariic hormarineed Puntland ka fulinayso ayna xafiis arrimahaasi ka shaqeeya ka u furi doonto magaalada Garoowe.

Socdalkaan ayaa waxaa uu ka dhigaya booqashadii labaad ee safiirka Turkiga ee Soomaaliya uu ku tago Puntland, inkasto dhowr jeer Puntland ay booqden saraakiil ka socday hay’addaha gargaarka ee Turkiga, walow aanay mashaariic la taaban karo wali ka furin Puntland.

Madaxweynaha Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa horay usheegay dhowr mar in mashaaricda laga hirgaliyo Muqdisho an la soo garsin gobollada kale ee dalka,waxaana xilligaan muuqata Turkigu inuu mashaaric kala gadisan ka hirgalin doonno Puntland.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com