Top News: Golaha amaanka oo waqti ku kordhiyay qafiifinta xayiraada hubka Somalia

0

New York (AGGM): Golaha amaanka QM ayaa ogolaaday in waqti dheeraad ah loogu daro qeyb ahaan xayiraadi hubka aheyd ee Soomaaliya sanadii tagtay laga qafiifiyay waxana loogu daray 8-bil taasi oo xukuumada Somalia u ogonaanaya in ay hubka fud fudud ay ciidamadeeda u soo iibiso.

Golaha ayaa si aqlabiyad ah ku meel mariyay qaraarkasi waqti kordhinta ah waxana dowladaha xubnaha ka ah golaha looga digay in mamnuuc ay ka tahay heshiisyo dhanka hubka lala gali karo Somalia,sidoo kale golaha waxa adkeeyay xayiradii saarneyd dhoofinta dhuxusha mida tooska ah iyo mid aan tooska aheyn.

Golaha amaanka ayaa bishii March ee sanadi tagtay waxa uu qeyb ahaan uu Somalia ka qaaday xayiraadii hubka ee dalka saarnaa mudo 21-sano waxana waqtigaasi xukuumada loo ogolaaday in ay soo iibsan karto hubka yar yar waxana looga digay soo iibsashada hubka waa weyn arinmtaasi oo loo qaaday sidii looga hortagi lahaa dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ee dowlada Somalia dagaalka kala soo horjeeda.

Xubnaha golaha amaanka QM ayaa cambareyay hubka sharci darada ah ee la soo galinayo Somalia taasi oo ay ku sheegen ku tumasho qaraarada golaha amaanka waxana ay ka digeen in si aan wanaagsanen loo isticmaalo hubka oo handadaya amaanka iyo xasiloonida gobolka.

Sidoo kale golaha amaanka QM ayaa qaraarkooda waxa ay ku cadeeyen in ay ixtiraamayan madaxbaninada iyo midnimada Somalia kaasi oo wajahaya qal qal joogto ah oo amaanka iyo nabad galyada dalka.

Qaraarka golaha amaanka ay isku raacen ayaa sidoo kale waxaa ku xusan in waqtiga 8-bil ee xukuumada Somalia hubka kusoo iibsan karto uu ugu egyahay 25ka bisha October.

 Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com