Dhageyso:Kulan looga hadlayo Amaanka oo Xalay lagu qabtay Muqdisho

0

 Muqdisho(AGGM):Wasiiradii  Xukumadda Somalia ay u Xilsaraatay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir in ay kala shaqeyaan  Amaanka iyo Hormarinta Degmada ayaa waxaa ay Xalay la Kulmeen Maamulka Degmada iyo Dadka ku nool Degmadaasi.

ugu horeen waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Degmada wadajir Axmed Xasan Axmed Daaci oo Wafdiga ka codsaday in laga Gacansiiyo Amaanka iyo Waxbarashada Degmada Wada Jir.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay wasiir Xigeenka Wasaarada Gaadiidka iyo Dekeddaha Jamaal Xasan oo sheegay in Dadka ku nool degmada ay yihiin Dad isku xiran oo Nabada jecel islamarkaana ay Amaanka iyo Hormarinta kala Shaqeyndoonaan.

Halkaan Hoose ka dhageyso Warbixinta kulanka xalay ka dhacay Wada Jir

Isha ku hay Allgalgaduud Media

Allgalgaduud@gmail.com