Dhageyso: Qoyska Faroole Oo Afka Furtey Ka Dib Dilkii Wiilkooda

0

Garoowe(AGGM) Xili Dhawaan Degmada Baraawe ee shabeelaha Hoose Al-Shabaab ay ku dileen Wiil ay shegeen in uu adeer u ahaa Cabdiraxmaan Faroole Madaxweynihii Hore ee Puntland ayaa Waxaa Arintaas Jawaab ka bixiyeey Qoyska Faroole.

Faarax C/laahi Faroole oo la dhashay Marxuumka la dilay kaasi oo lagu magacaabo Axmed C/Laahi faroole,wuxuu sheegay in Axmed C/laahi faroole uu ahaa Nin ganacsato ah Jaajuusna uusan ahayn oo Guryo iyo Dukaamo Ganacsi uu ku lahaa koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaliya.

“Waxaan qirayaa in Axmed C/Laahi faroole uu ahaa Walalkey, mana uusan ahayn waxay ku tilmaameen kooxaha Nabad diidka ah ee Alshabaab, mana ahan wax laysaga harayo oo Nin walba reer buu ka dhashay waana la dagaalamaynaa iskana celinaynaa Kooxda Dhiigya cabka ah ee Alshabaab ee aan dadka ku leyneen Burco, hargaysa, boorarame iyo meela kaleba Balse Dilka iyo xumaanta lasoo raadsanayan Dadka daga koonfur iyo Xamar iyo Kuwa u dhashay Puntland, Sidaana waxaa yiri Faarax C/laahi faroole.

Hadalkan qoyska Faroole ayaa kusoo beegmaya xili doraad Al-shabaab ay dileen Axmed C/Laahi faroole oo ay ku eedeyeen in uu Jaajuus ahaa.

Halkan ka Dhageyso

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com