Top News: Ciidamada Komandoska Ee Dowladda Soomaaliya Ayaa Loo Magacabay Taliye Cusub

0

Muqdisho (AGGM): Taliska Ciidanka XDS ayaa ku hanjabay in Koxa ah Alshabab oo dhiibaato ku hayo Shacabka  Soomaaliyeed Ay dareemi doono culeys uga yimaada ciidamada  Kumaandooska, isagoo magacaabay taliye cusub oo hogaamiya ururka Kumaandooska.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Daahir Aadan Cilmi ayaa sheegay in goor dhow dalka oo dhan uu ka bilaabandoono  howlgallada ka dhanka ah kooxaha alshabab

Gen. Daahir Aadan Cilmi taliyaha ciidanka XDS  ayaa tilmaamay in ururka Kumaandooska ee ciidanka xoogga dalka ay u dhanyihiin tababar iyo qalab intaba wuxuuna ku gooddiyay in ciidamada XDS ay dalka oo dhan ka xoreyn doonaan argagixisada Alshabaab.

Col.  Xasan Maxamed Yuusf oo ah  taliyaha cusub ee ururka Kumaandooska ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ciidamada Komandoska ay qabaan tababar wanaagsan,  isagoo xusay in shalay lagu wareejiyay qalabkoodi oo dhan.

Taliyaha ciidanka Komaandooska ayaa ayaa sheegay in ay sameyindonaan isbadal dhanka amniga aha si loga hortago hagardaamada ay shacabka soomaaliyeed ku hayaan iyo qaraxayada jogtada ah ee alshabab ay ka geestan melaha inta badanba ay ka ag dhowyihin dadka umada u adeega iyo shacabka ayna u kala socneen dhibka ay kula kacan.

Taliyaha oo hadalkiisa so gabgabeyaya ayaa ku hanjabay in ay mardhow wax ka badali donaan dhanka amniga ayna cayrsandonaan kooxa alshabab sida u hadlka u dhigay  .

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com