Wafdi kasocda Xukuumada oo maanta u ambabaxay waddanka Hindiya (Daawo Sawirada)

0

Mogadishu, March 05,2014- Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Buri’ Mohamed Hamza ayaa waxa uu maanta ka ambabaxay Caasimadda Muqdisho , isaga oo ku sii jeeda Caasimadda India ee New Delhi , halkaas oo uu kaga qeybgalayo Shir ay iskugu imaanayaan wadamada Africa iyo India oo Wasiiro iyo mas’uuliyiin sare lagu marti qaaday.

Shirkani oo ah kii tobanaad oo noociisa ah , ayaa waxa uu socon doonaa maalmaha 9-11 March , waxaana Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Buri’ Mohamed Hamza  uu halkaasi ku muujin doonaa ifafaalaha nabadeed iyo barwaaqo ee Soomaaliya ay hiigsaneyso iyo kaalinta beesha caalamka ee maalgeshiga iyo dib u dhiska dalka .

Shirkani  oo ka furmi doona Taj Palace ee Magaalada New Delhi ayaa waxaa lagu soo bandhigi doonaa istiraatiijiyad cusub oo la xiriirta Xiriirka India iyo Africa, waxaana dowladda India ay dadaal balaaran ugu jirtaa heshiisyo isfaham iyo mashaariic oo ay la gasho wadamada Africa si  wax soo saarka dalkeeda ay ugu iib geyso.

DSC04257 DSC04258 DSC04261