Top News: Dad Rayid Ah Oo Maanta Bad baadiyay Ganacsade Lagu Dili Lahaa Suuqa Bakaaraha.

0

Muqdisho (AGGM): Kooxo hubeysan ayaa maanta waxay suuqa Bakaaraha gaar ahaan meel ku dhaw Masaajidka Abu Hureyra ay isku dayeen in nin ganacsade ah ay dhac ugu geystaan taasi oo ay bad baadiyeen dad shacab ah.

Dad goob joog u ahaa dhacdadaan oo la hadlay Warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in markii hore ninkaan ay soo wateen kooxaha oo ku hubeysnaa bistoolado kuna amreen inuu raaco gaari ay wateen laakiin uu ka dhago adeegay amarkooda.

Dableyda ayaa markaasi kadib waxay bilaabeen inay bistoolada afkeeda hore ku garaacaan ninkaasi waxaana uu jiiftay dhulka isagoo ka cararayey inuu gaariga lagu amray gudaha ugalo oo ay kooxdaasi la tagaan.

Intaasi kadib ayaa waxa arkay ninkaan oo dhulka yaalla iyo liif lagu garaacayo gabar meesha ka ak dhaweyd taasi oo dhagax ku tuurtay dableyda waxaana soo baxay dad kale oo ku qeyliyey kooxda ninkaasi ganacsadaha ahaa heysatay waxaana taasi ay keentay inay dableyda gaarigoodii qaataan kana tagaan meesha.

Tallaabadaan lagu bad baadiyey ninkaan ganacsadaha ah ee dilka iyo dhaca laga bad baadiyey ayaa ah mid shacabka ay ku dhiiranayaan ka hortaga falal badan oo amniga lagu khal khal gelinayo iyadoo arintaan durba hadal-heynteeda laga dareemay meelo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com