Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisii oo Dalka dib ugu soo laabtay kadib booqasho rasmi ah uu ku tegay Abu Dhabi+SAWIRRO

0

Muqdisho(AGGM):Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya iyo wafdigii uu hogaaminayay ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay kadib saddex maalin oo booqasho rasmi ah uu ku tegay magaalada Abu Dhabi ee xarunta dalka Isutaga Imaaraadka Carabta, halkaasoo uu kula soo kulmay madaxda dalkaasi.

 
Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu booqashada ku joogay Abu Dhabi waxa uu kulamo kala duwan la qaatay madaxda dalkaasi iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan, waxa uuna kala hadlay sidii ay uga qeyb noqon lahaayeen dib u dhiska iyo horumarinta dalka.
 
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa markii uu dib ugu soo laabtay dalka waxa uu warbaahinta uga warbixiyay kulamadii kala duwanaa iyo waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee looga hadlay, waxa uuna xusay in madaxda Imaaraadka Carabtu ay ka wada hadleen sidii ay gacan buuxda u siin lahaayeen dhismaha hay’addaha dawliga, gaar ahaana horumarinta illaha dhaqaalaha, Amniga, mashaariicda sida caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha.
 
“Kulamadii aanu la soo yeelanay madaxda Imaaraadka waxay ahaayeen kuwo dhaxal gal ah oo natiijooyin wanaagsan nooga soo baxeen, waxayna noo balan qaadeen walaalaheena Imaaraadka Carabta inay na garab taagan yihiin” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo xusay in iskaashiga labada dal uu yahay mid xoogan.
 IMG_8775 IMG_8812 IMG_8818 IMG_8824 IMG_8826 IMG_8834 IMG_8838
Garad Salad Hersi
Senior Press officer, OPM.
Mogadishu, Somalia
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
Allgalgaduud@gmail.com