Daawo Sawirada:Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mahad Salad oo kaga qeybgalaya Qaahira shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Carabta.

0

Mogadishu,March 05, 2014- Wafdi uu hogaaminayo Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mahad Mohamed Salad ayaa maanta u ambabaxay Magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar , halkaasi oo uu ka furmi doono Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda kulankiisa caadiga ah ee 141-aad oo loogu gogol xaarayo Shir madaxeedka Wadamada Carabta .

Shirkani oo furmi doona maalinta Axadda ah oo ku beegan March 09 ,socon doonana muddo laba cisho ,ayaa waxaa Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mahad Mohamed Salad uu ka jeedin doonaa khudbad uu kaga hadli doono horumarada amni iyo siyaasad ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tallaabsatay iyo baahida loo qabo tababar iyo qalabeyn loo sameeyo ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya , iyadoo dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dhiiri gelineyso wadamada Carabta sare u qaadida heerka matalidda diblomaasiyadeed iyo dib u furista Safaaradihii ay ku lahaayeen Caasimadda Muqdisho ee ku xirmay qaran burburkii iyo dagaalkii sokeeye ee dalka ka dhacay.

Wasiirada Arrimaha dibadda Carabta ayaa kulankooda kaga doodi doona arrimaha siyaasadda,ammaanka iyo bulshada ,waxa ayna gogol xaar u yihiin Shir madaxeedka Boqorada iyo hogaamiyaasha carbeed ay iskugu imaan doonaan March 25-26 , Magaalada Kuwait ee Caasimadda wadanka Kuwait.

Shirka Wasiirada Arrimaha dibadda carabta ayaa waxaa ka horeyn doona fadhiga ergada joogtada ee wadamada carabta ,kaasi oo ka soconaya magaalada Qaahira maalmaha March 5-6 , waxa ayna kaga doodayaan arrimaha siyaasadda iyo ammaanka , oo ay ku jirto xaaladaha wadamada Soomaaliya , Palestine iyo Syria .

DSC04294 DSC04292 DSC04291 DSC04290 DSC04287

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations
Follow us on Twitter and Connect to our Facebook page
https://www.twitter.com/mofasomalia
https://www.facebook.com/mofa.somalia

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com