Top News: Maleeshiyaadka Raaskambooni Oo Saaka 6 Guri Ku Dumiyey Magaalada Kismaayo

0

Kismaayo(AGGM) Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee laga soo dawaafiyey degaanada Kilinka 5-aad & Gaarisa Gubaay ayaa saaka bilaabay barakicin hor leh iyagoo dumiyey hanti dad shacab ah oo goboladda jubooyinka u dhashay ay leeyihiin,waxaana ay saaka dumiiyee 6 guri oo hanti fara badan dhex taalo.

Saaka waberigii waxaa maleeshiyo beeleedka Raaskambooni oo wata gaadiidka dagaalka iyo cagaf cagafyada beeraha lagu qodo weerar bartilmameedsan ku soo qaadeen xaafadaha ku dhaw Warshada hilibka ee Magaalada Kismaayo,waxaana ay beegsadeen xaafado qabiilo gaar ahi degan yihiin.

Guryahan saaka la dumiyey waxaa lahaa dad shacab ah oo dhamaantood ka soo jeedaan Beesha Sade waxaana la sheegayaa in guryaha la dumiyey ay xitaa dhex hurdeen caruur iyo haween inkastoo aan wax khasaare nafeed ahi dadkaasi ka soo gaarin balse ay ka baxeen intii aan duminta lagu bilaabin.

Dadka shacabka h ee guryahaasi deganaa ayaa lagu amray inay ka qaataan wixii ay awoodaan balse dadkaasi waa ka biyo diideen,waxaana ay sheegeen in hadii la dumiyo lagu dumiyo wax agab dhex yaal,waxaana la sheegay in Maleeshiyaadka Raaskambooni halkaasi ku burburiyeen dhamaan lixdaasi guri.

Ugu dambeyntii Maleeshiyo beeleedka Raaskambooni ee laga soo daad gureyey Kilinka 5.aad & Gaarisa Gubaay ayaa la sheegaya inay doonayan inay shacabka u dhashay goboladda Jubooyinka Barakiciyaan balse taasi waxaa la sheegay inay u suurtoobi la dahay maadama aysan dadku ka tagin karin degaanka ay u dhasheen.

garissa-mawa-mill

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com