DIGNIIN: Maxamed Ugaas Xaashi Carro Uu Kasoo Carooday Kismaayo Umma Imaan Muqdisho Ee Inuu Idin Basaaso Ayuu U Yimid. W/Q.Maxamed Saciid Faarax

0

Kadib Imaatinkii Magaalada Muqdisho ee Maxamed Ugaas Xaashi waxa ay dad badani filayeen amaba aaminsanaayeen in uu ka hadli doono xaqiiqda dhacdooyinki waxuushnimada ah ee ka dhacay welina ka socda magaalada Kismaayo, balse waa ay ku hungoobeen.

Markuu yimi magaalada Muqdisho Maxamed Ugaas Xaashi waxa uu sheegay inuu kasoo carooday amaba u dulqaadan waayay dhacdooyinka waxuushnimada ah ee loo geesanayo dadka kasoo jeeda Beesha Sade ee ku nool Magaalada Kismaayo, Arrintaas oo dadka badankii aad ayay ugu farxeen marka laga reebo aniga, sababtoo ah Soomaalidu waxa ay ku maah maahdaa (Nimaad Taqaan Yaa Tahay Lama Dhaho), Maxamed Ugaas Xaashi todobaad markii uu joogay magaalada Muqdisho durbaba waxa uu bilaabay inuu ku dhuumaaleeysto aqalka uu ka dagan yahay magaalada Muqdisho isagoo bataatanba ka cararaya amaba ka raad gadanaya inuu ka hadlo Warbaahinta kana sheego dagaalka waxuushnimada ah ee ka socda magaalada Kismaayo.

Maxamed Ugaas Xaashi caawa haddii aad wacdo oo aad kula hadasho qadka telefoonka waxaa xaqiiqo ah in uu kuu sheegayo waxa ka dhacay amaba ka socda magaalada Kismaayo weliba isagoo ilmeenaya ee isugu jira Dilalka, Kufsiga Dhaawac, Xariga, Boobka hantida dadka iyo barakicinta baahsan ee lagu hayo dadka u dhashay beesha Sade, balse Maxamed Ugaas Xaashi Walaaleyaal diid inuu Warbaahinta ka hadlo taas oo inta caqliga saaxiibka u ah ama wax ka fahmaya siyaasada u muujinaysa qorshaha qarsoon ee safarka Maxamed Ugaas Xaashi ee magaalada Muqdisho.

Ninka kufsanaya Gabdhahaaga, Ninka dilaya Raggaaga, Ninka Maxbuusaya dadkaaga, Ninka boobaya hantida dadkaaga, Ninka barakicinay dadkaaga,maxuu kuu reebtay maxayse tahay xeerinta iyo saaxiibtinimada qotada dheer ee idinka dhexayn karta? Haddaba soo lama oran karo Maxamed Ugaas Xaashi Haweenka la kusanayo, Ragga la leeynayo iyo Hantida la boobayo umma danqanayneen dadka halganka ku jira ee jooga magaalada Muqdisho ayuu ugu yimi Inuu Basaaso?

Xogaha aan hayo ilaa hadda waxa ay sheegayaan in Maxamed Ugaas Xaashi uu Ragga Muqdisho jooga koox koox uga codsanayo inay la kulmaan islamarkaana taageeraan, waloow la diiday in lala kulmo.

Maxamed Ugaas Xaashi laba su’aalood in la weeydiiyo u baahan ayaa waxay tahay, Maxamed Ugaas Xaashi maxaanu kugu taageernaa?

1- Ma inaad noqoto Ugaaska Beesha Sade ileen hadda nin waalan iyo nin shisheeye ah oo dano gaara leh uunba ku leh Ugaas baa tahaye?

2- Ma waxaad Kismaayo kasoo geesatay ayaan kugu taageernaa?

Hadaan ugu hormaro mida ah igu taageera Ugaaska Beesha Sade inaan noqdo, Maxamed Ugaas Xaashiyoow beesha Sade Ugaas umma noqon kartid, sababaha soo socda awgood.

(B)– Taariikhda Soomaaliyeed iyo mida Afrikaankaba laguma hayo Nin sheeganaya inuu yahay Ugaas ama dhal Ugaas oo gabdhihiisa lagu hor kufsaday, Ragiisa lagu hor laayay, hantida dadkiisa lagu hor boobay, dadkiisa oo dhana la barakicinayo islamarkaana ku qanacsan, sidaa awgeed Ugaas haddana ma tihid mana noqon kartid ee ka quuso ama ka tanaasul arrinkaas dhici meeyso.

Haddii aadse doonayso inaan kugu taageerno falalka waxuushnimada ah ee qurdhmuunka ah ee aad kasoo sameeysay magaalada Kismaayo ilaa haddana ka socda iyana mid baan kaa oran.

(B)– Horey umma dhicin haddana dhici meeyso gabar foodleey ah haddii ay naga soo harto inaanu taageerno ama soo dhaweeyno waxuushnimada, bahdilka iyo qurmuunka aad qaadateen adiga iyo ragga kale ee kulamidka ah sida, Col. Yaasiin Nuur Gaas,Gen. Fartaag iwm.

Digniin.

Dhamaan Odoyaasha Dhaqanka, Aqoonyahanada, Saraakiisha, Siyaasiyiinta, Haweenka iyo Dhalinyarada Beesha Sade ee halganka ku jira kuna sugan magaalada Muqdisho iyo dhamaan daafaha Aduunka, waxaan idiinka digayaa Maxamed Ugaas Xaashi Muqdisho umma uusan imaan caro iyo kacdoon uu kasoo sameeyay waxa ka socda magaalada Kismaayo, ee waxuu idiinku yimid siduu idiin kala shaxaadi lahaa islamarkaana idiin basaasi lahaa.

Maxamed Ugaas Xaashi mida qura oo uu idiinku imaan karo ama aad isku horfadhiisan karo waa inay noqotaa isagoo marka hore ka hadla Warbaahinta, sheegana waxa ka dhacay iyo waxa hadda ka socda magaalada Kismaayo, haddiise uu ka hadlin haku dhicina dambinkiisa beenta ah iyo jahwareerinta dhagna jalaq ha usiinina haku jiro gunimada uu qaatay’e.

Ugu Dambeeynti waxaan baaq u dirayaa Dhamaan inta damiirkoodu shaqeenayo lehna caqli ee ku miisaamaan siyaasada fog ee socota, waa inaad dhexda u xirtaan sidii dib aad ugu xoreeyn laheydeen magalaada Kismaayo iyo deeganada kale islamarkaana looga saari waxuushtan diiratada ah ee xeer Soomaali iyo Xeer Caalmba aan aqoon.

maxamed-ugaas-xaashi

Wabilaahi Towfiiq

Guul iyo Gobanimo Waarta

Maxamed Saciid Faarax
Nairobi, Kenya

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com